Browsing Tag
art
8 posts
Sababta aadan Mar Danbe Gambaleelka Hurdada u Dib Dhigi Doonin!
Marka alarm-kaagu dhawaaqo, maskaxdaadu waxa ay u badan tahay in ay ku dhex jirto meertada REM, taas oo ah marxaladda u danbaysa ee meertada hurdada. Meertadan hurdada ee REM waxay joogsataa marka aad u soo kacdo in aad damiso alarm-kaaga ama aad taabato badhanka dib-u-dhigga (snooze).
Gorfaynta Buugga “Leadership: Six Studies in World Strategy” ee Henry Kissinger
Hoggaan la’aantu/xumadu waxa ay keentaa in ururada/hay’aduhu ay ka anbadaan yoolkoodii ama ay heehaabaan gudcur dhammaadkiisa ku soo idlaata dib-u-dhac, fadhiidnimo iyo khasaaro ummadeed oo dawladahaasi ka dhiga kuwa aan la tabin, lana tirsan marka la joogo golayaasha caalamka.
Fukuyama State Building: Governance and World Order in the Twenty-First Century
Fukuyama waxa uu hal-abuuray erey-bixinta dawlad-ahaansho “stateness” oo uu ula jeedo awoodda waxqabad ee nidaamka dawladda. Labadan dhinac oo dawlad-ahaanshaha ah ayuu tilmaamay: xoogga dawladda, oo ah in dawladdu ay shuruucda u dhaqangelin karto si hagaagsan oo daahfuran; iyo baaxadda dawladda, oo ka dhigan shaqooyinka tirada badan ee ay dawladdu isku dayayso in ay xaqiijiso.
Go’aannada 2021-ka iyo Waxyaabaha Tixgelinta Mudan
Ka dib markii u una soo maray sanad aad u adag oo aan la saadaalin karin, fikradda ah in la sameeyo go'aannada sannadka cusub ee 2021 waxa ay umuuqan kartaa arrin aad u culus.
Buugaagtii Wehelkeyga ahaa Sanadkii 2020
"Marka aad jalleecdo bogagga buug xiiso leh, waxaa dhegahaaga soo gaaraya codka qof kale, laga yaabeen in uu yahay mid dunida ka xijaabtay 1,000 sano ka hor. In aad akhridaa buugaagta waxay ka dhigan tahay adigoo geeddi ku noqday waqtiga."
Gorfeynta Buugga Homo Deus – Qubanaha Taariikhda Berri ee Yuval Noah Harari
Sidee bay noqon doontaa mustaqbalka aadanaha? Homo Deus - Qubanaha Taariikhda Berri, waxa uu taariikhyahanka iyo qoraaga buugga caanka ah ee Sapiens, Yuval Noah Harari, ku tibaaxayaa tagtada taariikhda dadka si uu u saadaaliyo timaaddada.
Gorfeynta Buugga “Maps” ee Nuuraddiin Faarax
Maps waa sheeko ku saabsan siyaasadda damaca, dhulalka, xuduudaha, xuduudaha iyo himilooyinka dhul ballaarsiga. Sheekadu waxa ay tusmaynaysaa gobol awoodda lagu loollamayo oo soo maray taariikh fog oo dagaallo wakiilnimo (proxy war).
Sapiens: Qubanaha Taariikhda Dadka ee Yuval N. Harari
Taxane aad u xiiso badan oo a billaabanaya asalka dadka kuna dhammaanaya mustaqbalka dadka iyo waxa ka danbeeya. Qoraaga buuggan, Yuval Noah Harari, waxa uu ka taariikhaynaa horumarkii uu sameeyay insaanka intii uu dunida ku noolaa laga soo billaabo 2.5 milyan oo sano ka hor.