Sidee bay noqon doontaa mustaqbalka aadanaha? Homo Deus – Qubanaha Taariikhda Berri, waxa uu taariikhyahanka iyo qoraaga buugga caanka ah ee Sapiens, Yuval Noah Harari, ku tibaaxayaa tagtada taariikhda dadka si uu u saadaaliyo timaaddada.
Isagoo dib u jalleecayaa 70,000 sano ee ugu danbeeyay taariikhda aadanaha (falanqayn habraaca taariikhda dadka heerka ugu ballaaran), waxa uu Harari saadaalinayaa mustaqbalka madmadow, jahwareer, rajo iyo cabsiba leh. Si kasta ha noqotee buuggan waxaa la dhacay siyaasiyiin, aqoonyahanno iyo shakhsiyaad dunida caan ka ah sida Barack Obama, Mark Zuckerberg, Bill Gates, Daniel Kahneman iyo Jared Diamond.
Buuggii hore ee Yuval Noah Harari, oo cinwaankiisu ahaa Sapiens: Qubanaha Taariikhda Dadka, ayaa waxa uu ku tibaaxay in la gaaray dhammaadka taariikhda insaankii caqliga lahaa (Homo Sapiens) oo dunida ku tamashlaynayay 75,000 sano ee ugu dambeysay. Harari wuxuu sameeyaa saadaalinno dhowr ah, waxaana ugu muhiisman oo dareenka isla markiiba soo dhufta waxaa ka mid ah in dadku ay noqon doonaan Ilaahyo. Homo Sapiens (insaanka caqliga leh) waxa ay isu beddeli doonaan Homo Deus (Ilaah Aadane) oo leh wax u eg farsamooyinka Ilaah oo ay ku awoodi doonaan in ay si buuxda u maareeyaan bii’ada ayna yeelan doonaan karti ay ku burburiyaan kuna abuuraan nolol cusub.
Caafimaadka iyo fayo-dhowrka ayaa si baahsan u horumari doona. Dhibaatooyinka uu la daalaa dhacayo aadanaha (masiibooyinka, abaarta iyo cudurrada) ayaa xal loo heli doonaa. Abaarta, musiibooyinka dabiiciga ah iyo cuduraduba waxa ay noqon doonaan kuwo la maareeyo. Dhacdooyinka yar ee la xiriira mushiladahaasi waxa ay noqon doontaa qaladaad dad ay sameeyeen oo baaritaanno inta lagu sameeyo cidda gaabiskaasi ka yimid la ciqaabayo. Dadku waxa ay dadaalladooda u jihayn doonaan sidii ay ku yeelan lahaayeen awoodo Ilaah oo kale oo hardan la geli doonaa waxyaabaha dhimashada keena, himiladooduna ay tahay in ay waariyaan noloshooda (immortality) iyaga oo kor u qaadaya badqabkooda (wellness), siina kordhinaya farxadda iyo ladnaantooda (wellbeing). Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa dadaallo ay maageliyaan shirkad lagu magacaabo Calico oo xiriir la leh Google, taaso oo hawsheedu tahay in ay xal u hesho waxyaabaha keena dhimashada.
Waxaa abuurmi doona koox dadka ka mid ah oo noloshooda iyo caafimaadkooda lagu xoojiyay teknolojiyad casri ah oo u suura gelinaysa in ay ka fiicnaadaan assaaggooda. Dadka jirkooda qeybo ka mid ahi ay ku jiri doonaan qalabyada teknolojiyada ayaa noqon doona kuwa ugu dhaqaalaha sarreeya uguna ilbaxsan. Dhanka kale, waxaa baabi’i doona shaqooyin badan oo dad badani hadda qabtaan kuwaas oo ay beddeli tikniyoolajiyad sida robotyo waxqabadkii dadka mid ka sarreeyo waqtiyo gaaban qaban kara. Si ka duwan dabaqadihii hoose ee nidaamka Marx (lumpen proletariat) ee taariikhdii hore, dabaqadda hoose ee wax ma taraasha ah waxa aysan awoodi doonin in ay helaan shaqo kartidooda iyo xooggoodu ay ku gadan karaan. Dabaqaddan ayaa noqon doonta midda caadiga ah ee aan awoodin in ay isku samayso horumarin teknooloji (upgrade) taas oo u suura gelisa in ay boos ka helaan dunida cusub.
Waxaa sidoo kale meesha ka bixi doona qiimihii aadanaha. Diintii ugu weyn ee la aamminsanaa qarnigii 21aad ee ahayd ‘humanism’ (in la qiimeeyo garaadka aadanaha, khibraddiisa sida dareenka, shucuurta, fikradaha uu aamminsan yahay iyo qiyamka aadanaha) ayaa waxaa baabi’in doona horumarka sayniska iyo teknolojiyada. Gaar ahaan, sayniska waxa uu dood gelin doonaa sarraynta aadanaha iyo in uu yahay noole aan wax kale oo la mid ah jirin oo uu u fekero si caqli gal ah, xorna u yahay aragtiyihiisa. Harari waxa uu tilmaamayaa in ay soo bixi doonto in aan nahay xayawaan keliya noolayaasha kale uga duwan in uu qabo cuqdad ilaahi ah (god complex) isagoo is mooda in uu awood iyo karti gaar ah u leeyahay mustaqbalkiisa uuna is aamminsan yahay in uu dunida mudnaan gaar ah ku leeyahay.
Harari, waxa uu tusaale muhiim ah oo arrintan ku saabsan u arkaa habraaca nidaamka dimoqraadiyadda ee bulshooyinka, xorriyadaha iyo xuquuqda aadanaha taas oo ka soo amba qaadaysa cuqdadda ilaahiga an ee aadanuhu qabo sida xalka caqabadaha siyaasadda (oo ku salaysan in cod bixiyaha uu garanayo waxa u wanaagsan bulshada), dhaqaalaha iyo ganacsiga (oo macaamilku uu mar walba saxan yahay), quruxda (quruxdu waxay kujirtaa isha eegaha), akhlaaqda aadamiga (haddii aad dareemayso in ay fiican tahay – samee!) iyo waxbarashada aadanaha (naftaada baro, oo waxtar).
Doodda Harari waxa ay u sii dhaadhacaysaa in baadi goobka dadku ugu jiro nolol dheer iyo farxad ay keeni doonto in teknolojiyada jirka aadanaha la dhex geliyo si uu shaqadiisa u sii wato. Waxaa billaabanaya, sida uu saadaalinayo, banii’aadan qeybo jirkiisa ka mid ahi ay teknoloji tahay oo uu ku magacaabay tekno-aadan (techno-humanism) kuwaas oo oo jirkoodu ku horumariyay (upgrade) iyagoo farsamaynaya bayoloji oo hidde sidahooda wax ka baddalaysa, ama qeybo jirkooda ka mid ah ku baddalaya qalabyo elektoroonik ah ah oo leh garasho macmal ah ‘AI’ (artificial intelligence).
Garaadka macmalka (AI Sapience) ayaa waxa uu ka dheereyn doonaa gaaraadka aadanaha (Human Sentience). Harari waxa uu sii saadaalinayaa in awoodda dareenkeena iyo garashadeenna ay dhalin doonto teknolojiyad AI ah oo ka xariifsan kana caqli badan dadka. Teknolojiyadda casriga ayaa waxa ay na siin doontaa xog ka badan inta aan annafa nafteenna ka garanayno. Nolosheenna inta badan waxa ay ku tiirsanaan doontaa algoridamyada teknolojiyaddaas oo hagi doonta hab-raaca nolosheenna, jacaylkeena iyo shaqadeenna.
Dabeecadaha dadka iyo shakhsiyaddooda ayaa waxa ay ku soo koobmi doontaa algoridam yar oo meelo ku qoran. Waxaa billaaban doonta in dadku is dhahaan waxaan ku jeclahay algoridam-kaaga. Sida garashada macmalka ah ee AI falanqeyn doonto algoridamyada shakhsiyaadka iyadoo lagu cabbirayo xeerar xisaab oo xaddidan waxaaa fududaan doonta in la saadaaliyo lana sharxo dabeecadda dadka, aadanuhu waxa uu ku daba feyli doonaa halka ay ku hagayso xogta AI-da ee qalabyada isaga iyo jaalkiisaba jirkooda ka midka noqday. Shakhsiyadda dadka ama qofnimada oo ahayd aragti aan la taaban karin (abstract) ayaa waxa ay isku baddali doontaa tirooyin ay kala hagayaan xeerarka luqadaha mashiinnada oo shakhsiyadda qofka u cabbiri doonta ee koodhka algoridamyada sida ‘haddii tan dhacdo, waxaa ku xigaya sidaa…‘ kuwaas oo hagi doona shakhsiyadda, hanka iyo astaanta guud ee uu qofka yeelanayo.
Xog ururinta (dataism) ayaa waxa ay noqon doontaa diinta cusub ee dadka. Aragtiyihii dadnimada (humanism) ee fekerka qofka, caqligiisa iyo rabitaankiisa saldhigga u ahayd waxaa baddali doona kuwo ay u taliso xogta. Qiimaha dadnimada waxaa uu noqon doonaa mid sii yaraada oo dadku waxa weyn oo ay muhimadda siiyaan waxa ay noqon doontaa ‘dataism’. Halka insaanku uu ahaa udub dhexaadka adduunka waxaa booskiisa geli doona xogta. Qofka iyo kooxuhuba waxa uu qiimo ku yeelan doonaan kartida ay u leeyihiin in ay maareeyaan xog muhiim ah.
Tallaabada xigta waxa ay noqon doontaa in dadku uu u gudbo heer ah in uu noqdo noole muq shabeel ah oo dhinacna dad ka ah dhinaca kalena teknolojiyad ka ah. Si uu dadku uga xoroobo caqabadaha joogtada ah ee ka dhasha jirka bayolojiga ah ee kaarboonka ka samaysan waxa uu u gudbi doonaa in uu u hormaro heer uu noqdo kaain garasho iyo xog udub dhexaad u tahay oo hadba qaabka uu doono yeesha. Tani waxa ay ka dhigan tahay dhammaadka taariikhda aadanaha sida aan hadda u naqaanno.
Nuxurka buugga waxa uu yahay in Homo Deus uu yahay mid tilaamamaya himilo aad u sarraysa iyo aragtiyo loollan gelin kara qaabka aan dunida u sawiranno. Waxaan arki karnaa horumarka weyn ee maantadan teknolojiyaddu gaartay. Waxaa dadka wadnahoodu tooska u shaqayn loogu rakibaa qalab garaaca wadnaha u hagaajiya, kuwa aragtida dhibaatada ku qaba qaarkoodna waxaa indhaha loo geliyaa bikaaco (lans) u baddalaya kuwii bayolojiga ahaa ee ka cilladoobay. Waa la malayn karaa in mustaqbalka fog ay suura gasho in jirka aadanaha cilladah soo wajaha loo xallin karo si farsamo teknoloji oo casri ah. Aadanuhu waxa uu ku guulaystay in uu heerka nolosha uu kor u qaado in kasta oo tallaabada uu ku xaqiijin karo in aanu dhimman ay tahay mid xaqiiqda ka yara fog.
Gebagebadii, iyaa oo uu Harari horumarkaasi weyn sawiranayo ayaa waxaan aragnaa in weli dunidu sannadkan la daalaa dhacayso saamaynta cudurka coronavirus. Harari waxa uu taas ugu jawaabayaa in cudurada qaarkood sida COVID-19 ay dunidu diyaar u tahay maarayntiisa hase ahaatee siyaasado is diiddan iyo dano gaar ah ay sababeen in dunida oo dhan uu ku baaho. Dawladaha leh kartida iyo aqoonta lagu soo saaro tallaal iyo dawo lagula tacaalo cudurkana uu ka dhexeeyo tartan qaab daran oo aan aadanaha mustaqbalkiisa wax fiican ka tarayn. Waxa uu ku doodayaa in weli sayniska uu yahay meesha keliya oo laga raadiyo xalka dhibaatooyinka dunida.