Sababta aadan Mar Danbe Gambaleelka Hurdada u Dib Dhigi Doonin!

Marka alarm-kaagu dhawaaqo, maskaxdaadu waxa ay u badan tahay in ay ku dhex jirto meertada REM, taas oo ah marxaladda u danbaysa ee meertada hurdada. Meertadan hurdada ee REM waxay joogsataa marka aad u soo kacdo in aad damiso alarm-kaaga ama aad taabato badhanka dib-u-dhigga (snooze).
Total
0
Shares

Batoonka dib-u-dhigiska alarm-ka saacadda ayaa waxaa la hindisay 1956. Taariikhdaas ilaa maanta, malaayin qofood ayaa subax walba dib u dhiga alarm-ka saacaddooda iyagoo raba in ay xoogaa daqiiqado dheeraad ah sii hurdaan. Aqoonyahannada cilmiga bayolojiga, gaar ahaan kuwa ku takhasusay wareegyada bayolojiga ayaa waxa ay ka ka digeen in rabitaanka hurdadan yar ee dheeraadka ay horseedi karayos khataro caafimaad oo dadka aysan ogayn.

Dadku waxa ay u samaysan yihiin in ay hurdada si tartiib tartiib ah uga soo kacaan halkii ay ku soo boodi lahaayeen dhawaaqa alarmiga. Habeenkii waxa ay hurdadeennu martaa dhawr meerto oo kala duwan, inaggoo isaga tookaysanna meertooyinka hurdada ee non-REM iyo REM. Marka aan ku jirno hurdada non-REM, maskaxdu waxa ay yaraysaa xawliga hirarkeeda, waxayna qabataa dayactir. Dhanka kale, marka aan ku jirno meertada hurdada REM, maskaxda way soo kacdaa, iyada oo ay sare u qaaddo xawliga hirarkeeda iyo kordhinta soo saarista hormoonada ay ka midka yihiin kortisool iyo testostoroon. Marka waagu soo dhawaado, meertooyinka REM ayaa noqda kuwa sii dheeraada. Marka qofku si caadi ah u soo tooso si la jaanqaadaysa saacaddooda baylojiga ah, kortisool iyo testostoroonkuba aad ayay u sarreeyaan, taas oo naga caawinaysa soo jeedidda iyo feejignaanta.

Maxaa dhacaya marka aad dib u dhigto alarm-ka?

Marka alarm-kaagu dhawaaqo, maskaxdaadu waxa ay u badan tahay in ay ku dhex jirto meertada REM, taas oo ah marxaladda u danbaysa ee meertada hurdada. Meertadan hurdada ee REM waxay joogsataa marka aad u soo kacdo in aad damiso alarm-kaaga ama aad taabato badhanka dib-u-dhigga (snooze). Dadka alarm-kooda dib-u-dhiga dhawr daqiiqo, waxa ay ku noqdaan hurdada iyaga oo ay u billaabato meerto cusub oo qaadaysa 75 ilaa 90 daqiiqo. Xoogaa kaddib marka uu soo dhawaaqayo alarm-kaaga, maskaxdaada waxa ay dhex maquuraysaa hurdo culus oo meertadeedu keliya aad ka qaadatay 15 daqiiqo, ayna maskaxdaadu u harsan tahay 75 daqiiqo si ay u soo gebagabayso meertadaasi.

Marka inta alarmka kugu soo dhawaaqo aad hurdada ka soo booddid, jirkaaga waxa uu galayaa xaalad isku dhex qasan. Waxaa isla jaanqaadi waaya heerarka hormoonada jirka nidaamiya xilliga hurdada iyo soo jeedkaaga, maadaama jirka iyo maskaxdaba iyaga oo aan diyaar ahayn uu dhawaaqa alarm-ka uu hurdada kaa soo kiciyay. Arrintan ayaa waxaa dhakhaatiirtu ugu yeeraan wahsi hurdo ‘sleep inertia’. Waxaa dhacda adiga oo saacadihii hurdada ee jirku u baahnaa iyo ka badan ba jiifay in meertadii hurdada ee aad isku kala goysay ay jirka ka dhigto mid hurdadii qabyo ka noqotay oo ay u kaydsan tahay saacad dheeraad ah aad u baahnayd in aad meertadaas ku soo gunaanuddo.

Marka uu kugu dhaco wahsiga hurdada waxaad dareemaysaa jahwareer muddo kooban ah, ogaalkaaga oo hoos u dhaca, xaaladda nafsiyadeed oo aan xasilloonayn. Waxaad u ekaanaysaa qof soo jeedka ku hurda. Dadka qaarkood xilliyadaas oo kale waxaa lagu arkaa dhaqsaha jawaabcelintooda oo hoos u dhaca, xusuusta dhaw oo liidata, xawliga fekera, caqli ka shaqaysiinta iyo barashada oo yaraada.

Tusaale, haddii adigoo hurda aad ku soo kacdid telefoonkaaga gacanta dhicitaankiisa, daqiiqadda hore ee aad jawaabayso waxa ay u badan tahay wax kasta oo qofka kula hadlaya uu kuu sheego in aad ‘haa’, ‘maya’ iyo ‘iinhi’ aad ugu jawaabto inta maskaxdaadu ay ka soo miyirsanayso. Dadka qaar xilliyadaas oo kale daqiiqadahaas waxa ay kari waayaan in ay si qumman sariirta uga soo degaan iyagoo hadba dhinac u kufa, derbiyada iyo sariirta birahaeeda midba gacanta iyo madax la dhaca, amaba ay ka fakadaan waxyaabaha ay gacanta ku hayaan sidii qof alaalax ah oo kale.

Maxaa nala gudboon in aan samayno?

Haddii qofku uu helay hurdadii uu u baahnaa, 6 – 8 saacadood habeenkii, oo uu jirka iyo maskaxdiisa ku tababbaro in si dabiici ah hurdada uga soo toosaan, waxa ay u badan tahay in uusan culays ka dareemi doonin soo kicista. Hase ahaatee, waxaa dhacaysa in adigii oo saacado kugu filan iyo ka badanba seexday inta alarm-kaagu uu soo dhawaaqo aad is tiraahdo bal dhawr daqiiqo oo dheeraad ku sii darso oo jirka iyo maskaxduba ay galaan meerto cusub oo hurdo ah aad haddana toban daqiiqo kaddib jabaqda alarm-ka ku toosiso. Arrintan ayaa saamaynteeda waxa ay la mid tahay adiga oo hurdadu qabyo kugu noqotay.

Sidaas daraaddeed, isku day in aad saacado kugu filan seexato habeenkii adigoo nidaaminaya saacadda hurdada iyo tan soo kicistaada si aad uga maaranto in aad ku soo toosto alarm. Haddii aadan hurayn, ku aaddi alarm-kaaga saacadaha aad aalaa soo toostid subax walba, adiga oo aan dib-u-dhigayn marka uu soo dhawaaqo.

Ugu danbayn, haddii aad tahay dadka hurdada aysan dhaqso ka bixin jirkooda, isku day in aad miyirsato inta aadan hawl gelin isla marka aad hurdada ka soo kacdo. Xilliyadan danbe oo isticmaalka internet-ka uu sida xawliga ah u oo kordhay, waxaa dhacda in dadku ay saacado badan oo xilli hore ay sii hurdi lahaayeen in ay ka mashquuliyaan dhaqso seexashada. Waxaa samaysmay dhaqan ah in subaxa lagu billaabo koob qaxwe ah si aad tamar iyo firfircooni uga hesho oo uu hurdada kaaga bi’iyo. In kasta oo xal kama danbays ah uusan ahayn, haddana waxaad ku maarayn kartaa in aad jirkaaga si dhaqso ah uga saarto wahsiga hurdada.

Total
0
Shares

Hodantinimada Af Soomaaliga: Dhab ama Dhalanteed?

Kun sano ka hor, tirada afafka dunida looga hadlo waxa ay kor u dhaafayeen 9,000. Dunidan dacalkeeda waxaa maantadan looga hadlaa wax kor u dhaafaya 7,000 oo luqadood. Isu-furanka dadyowga dunida iyo carro-edegeynta sii xooganaysa awgeed, tiradaasi hoos ayay u sii dhici doontaa iyada oo la filayo in sanadka 2100 ay afafka dunida ka jira noqon doonaan keliya 3,000, halka qarnida 23-aad ay keliya dunida ku hari doonaan 100 af.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Total
0
Share