Sapiens: Qubanaha Taariikhda Dadka ee Yuval N. Harari

Taxane aad u xiiso badan oo a billaabanaya asalka dadka kuna dhammaanaya mustaqbalka dadka iyo waxa ka danbeeya. Qoraaga buuggan, Yuval Noah Harari, waxa uu ka taariikhaynaa horumarkii uu sameeyay insaanka intii uu dunida ku noolaa laga soo billaabo 2.5 milyan oo sano ka hor.
Total
0
Shares

Taxane aad u xiiso badan oo a billaabanaya asalka dadka kuna dhammaanaya mustaqbalka dadka iyo waxa ka danbeeya. Qoraaga buuggan, Yuval Noah Harari, waxa uu ka taariikhaynaa horumarkii uu sameeyay insaanka intii uu dunida ku noolaa laga soo billaabo 2.5 milyan oo sano ka hor. Xilliyadaas dadka dunida ku nooli saamayn badani kuma lahayn habka nolosha ee dunida. Waxa ay la mid ahaayeen noolayaasha kale ee dunida dusheeda ku nool se aan ahmiyad iyo saamay gaar ah ku lahayn.

Yaa ku yeeshay saamaynta aadka u weyn? Su’aashaa jawaabteeda ayaa waxa uu Harari kaga jawaabayaa sida tan: Waxa aad tahay dad, laakiin ma tihid kaliya noocyada dadka. Waxa aad tahay Homo Sapiens (insaankii caaqilka ahaa) oo ah sida ugu macquulsan oo aan isku qeexno. Waxaa dunida soo maray noocyo badan oo dadka ah. Midka aan annagu ka mid ee garaadka lagu sifeeyay ayaa ah midka dunida qabsaday oo maanta ka taliya.

70 kun oo sano ka hor ayay ahayd markii nooc dadka ka mid ah oo lagu magacaabo Homo Sapiens ‘Insaankii caaqilka ahaa’ uu billaabay in uu abuuro luqado iyo dhaqamo isaga u gaar ah. Arrintani ayaa waxaa lagu saleeyaa horumar garaad oo dadku xilligaas gaaray. Is baddalkaas weyn ee xilligaas dhacay ayaa waxaa loogu yeeraa Kacdoonkii Garaadka (Cognitive Revolution). Horumarkan waxa uu fududeeyay in uu dadku abuuro sheeko xariiro iyo aragtiyo u sahlay abaabulka bulshada. Xubnaha Homo Sapiens-ka ahi waxa ay u badankoodu ahaayeen ugaadhsade-ururiyeyaal (hunter-gatherers). Qaarkood waxa ay ku noolaayeen jasiirad kaliya, halka qaar badanina ay u hayaamayeen qaaradaha kale ee dunida. Dabadeed dadku waxa uu gaaray Kacdoonkii Beerashada (Agricultural Revolution) oo suura geliyay dadka in uu soo saaro inta uu cuno wax ka badan 10 kun oo sano ka hor. Sidoo kale 500 oo sano ka hor waxaa dadku gaaray Kacdoonkii Cilmiga (Scientific Revolution) oo dabka u shdiay kacaankii warshadaha, qiyaastii 250 sano ka hor, taasoo sii fududaysay kacaanka macluumaadka (Information Revolution), qiyaastii 50 sano ka hor, kaasoo kiciyay kacaanka bayoolaji, oo wali qoyan dhegta gadaasheeda..

Kacdoonnadaasi taariikhiga ah waxa ay xoog siiyeen insaanka una horseedeen in uu noqdo mid is baddal la taaban karo ku yeesha dunida. Waxaa dadku yeeshay saamaynta ugu badan ee noole dunida ku yeesho isaga oo abuuray ama isku xiray aragtiyo aan la taaban karin (abstract) oo saameeyey qaab dhismeedka bulshada iyo habka noloshooda sida hogggaanka, siyaasadda, hanti-goosiga iyo kuwo kale oo badan. Aragtiyahaas la hal abuuray ayaa dadka u suura geliyay in uu ku guulaysto gacan ku haynta dunida oo idil isaga oo maareeyay xoogagga doorashada dabiiciga ah (natural selection). Halka uu kumanaan sano banii’aadanku ka ahaa noole silsiladda cuntada meelo hoose kaga jira, xilliyadan aan joogno horumarkii uu dadka sameeyay waxa ay keentay in uu noqdo ugaarsadaha ugu khatarsan ee dunida (apex predator).

Sababaha horumarkaas weyn oo dadku gaaray waxa uu Harari u aanaynayaa dhacdooyin muhiim ah oo soo maray taariikhda horumarka dadka sida horumarka afafka oo suura geliyay in dadku uu sheekooyin xanbaarsan aragtiyaha noloshiisa uu ku wadaago taasoo u fududaysay in uu si kooxo tiro badan ah in uu isu abaabulo oo u wada shaqeeyo. Awoodda garaadka dadka ee sii horumartay iyo mafaahiimta bulshada waxa ay si toos ah u xoojiyeen iskaashiga dadka iyo dhismaha bulsho leh madax iyo maamul sifada hoggaanka lagu qaddariyo. Waxaa jira kor u kaca diinta iyo xoog u sheegashada sanamyada ee sanamyada sunta ah ama loo soo gaabiyo sunta. Markaa waxaa jira isbeddelka lacagta iyo, waxaa kasii muhiimsan, amaah. Waxaa jira, iskuxiran, faafinta boqortooyooyinka iyo ganacsiga iyo sidoo kale kor u kaca hanti-barasho.

Harari waxa uu ku doodayaa in kacaankii beerashada ayaa ahaa khiyaanada ugu weyn ee taariikhda. Waxa ay dadka u horseedday cunno xumo, saacado dheeri ah oo shaqo ah, ciriiri, iyo dad badan oo halgan ugu jira waxa ay soo saaraan tiro yar oo dadka mid ah oo wax beerta. Maadaama dadku deegaan ahaa bilaabay in uu u noolaado qaabab isku raran ah waxaa soo korodhay cudurada bulshada dhexdeeda ku faafa, amni darro aan hore loo aqoon iyo qaabab xun oo maamul xumo ah oo dadka kala sarraysiiyay.

Harari waxa uu qabaa aragtida guud ee ah habka ay u shaqeeyaan shucuurteenna iyo rabitaankeenna uusan isbaddalin boqolaalkii kune e dadku horumarka samaynayay. Tusaale waxa uu u soo qaadanayaa dhaqankeenna cunnada, khilaafkeenna iyo jinsigeenna oo dhammaantood weli ku shaqeeya habkii maskaxdeena u shaqaynaysay markii dadku ahaa ugaarsade. Kacaannadii cilmiga, warshadaha iyo horumarka teknoolojiyadda ee dadku ku tallaabsaday ee dhaliyay diyaaradaha, taleefonnada iyo kombiyuutarada nolosheena waxa badan ka baddalay. Maanta in kasta oo aan ku nool nahay dabaqyo sare oo leh qaboojiyeyaal cunto badan noo kaydiya, haddana hidde sideyaasha DNA-dayadu wali waxay u maleyneysaa inaan ku jirno noloshii safaanaha. Waxaa taasi daliil u ah rabitaankeenna xoogga leh ee sonkorta iyo dufanka ayaa horseeday in aan urursano cuntooyin badan oo saba caafimaad-darrada.

Dhinaca kale, Harari waxa uu ku doodayaa in kacaanka sayniska uu yahay mashruuca Gilgamesh (oo loogu magac daray halyeeyga sheeko xariirada oo loollan kula jira in uu cirib tiro dhimashada) oo ujeeddadiisu tahay in aadanaha uu helo nolosha weligeed ah (amortality). Waxa uu Harari aamminsan yahay in kastoo dhimashada ay sababto dilalka ay mar kasta jiri doonto dadku dadaallada lagu dheeraynayo noloshiisa guulo fiican ayuu ka gaaray.

Si kasta ha noqotee ma jiro wax dammaanad qaadaya in nolosha dheer iyo dhimasho la’aanta in ay keenayso farxad. Aadanuhu farxadda uu maalinba maalinta ka dambeysa ka helayo waxyaabaha uu haysto aad bay u sii yaraanaysaa. Tusaale, lacagtu waxa ay qiimo leedahay marka ay duruufaha adag kaa saarayso laakiin marka ay tiro badato qiimo ma yeelanayso oo wax farxad ah qofka uma soo jiidayso.

Inta ugu badan buuggan Sapiens waxaa ku jiro qeybo xiiso badan oo si farshaxanimo ah loo dhigay. Hase ahaatee waxaa lagu dhaleeceeyaa in waxyaabaha qaarkood oo buugga lagu xusay ay tahay ka badbadis sida in buugga cinwaan looga dhigo Sapiens: Qubanaha Taariikhda Dadka hase ahaatee diiradda lagu saaro wax aan ka badnayn 70 kun oo sano oo ka mid ah taariikhda hal nooc oo dadka ka mid ah ‘sapiens’.

Nuxurka doodda buugga ayaa waxa ay tahay in uu gorfeeyo sababaha hormuudka ka dhigtay dadka. Waxa uuna ku soo koobayaa qoddobadan:

  • Insaanka caaqilka ah waa sheeko abuure, taas oo uu kaga duwan yahay noocyadii kale ee dadka iyo noolayaasha kale. Waxa uu luqadaha iyo hal-abuurkiisu u adeegsadaa in uu sameeyo sheekooyin dad badan ka dhaxayn kara oo lagu midoobo kuwaas oo aasaas u noqonaya dhismaha bulshada laga billaabo heerka baandooyinka ‘bands’ qabiillada ‘tribes’ iyo quruumaha ‘nations’ oo intoodaba ku dhisan aragti ah in dadkaasi dhiig, dhalasho ama dhul ka dhexeeyo. Abaabulka noocan ah waxa uu fududeeyay hababka iskaashiga iyo wada shaqaynta dadka oo gaarsiisay heerka ugu sarreeya uguna fudud (dabacsan) ee noole u shaqayn karo. Waxaa jira noolayaan iskaashi tiro badan sameeya sida quraanjada hase ahaatee iskaashigoodu ma aha mid fudud ee la baddali karo. Aadanuhu haddii uu nidaamka uu ku shaqeeyo caqabado ka dareemo kacdoonno iyo isbaddalo ayuu sameeyaa halka noolayaasha kale aysan samayn karin. Sheekooyinka dadka mideeya waxa ay abuuraan xusuus bulsho oo jiilalka soo socda tusa wixii lagu dhaqmi jiray taas oo sii joogtaysa isku xirnaanta bulshada ma sii horumarisa marka dhaqamadu duugoobaan.
  • Asalka fahanka dadka waxa uu u qotomaa aragtiyo is badbaddala oo marba mid loo arko in ay xaqiiqadu iyada tahay. Sheekooyinka ay aragtiyadaas abuuraan ayaa xaddida hadba waxa xaqiiqadu tahay. Mar walba oo aadanuhu sii hormaro waxyaabo xilliyadii hore xaqiiqo ayaa ayaa waxaa loo aqoonsadaa in ay yihiin khuraafaad. Aragtiyaha la abuuray oo dunida oo dhan si isku mid ah la isku dhaafsaday waxaa ka mid ah billowga lacagaha, dawladaha, qabaa’ilka iyo kooxaha kuwaas oo aragti inta ay ka soo gudbeen waxyaabo la aqoonsan yahay noqday. Tusaale, Harari waxa uu qabaa hal abuurka lacagaha warqadaha ah ee la siiyay qiimo aysan iyaga lahayd in ay tahay been abuurkii ugu weynaa taariikhda.
  • Xaqiiqda ma ahee khayaalka ayaa dunida ka shaqeeya. Tusaale, waxaa lagu siinayaa warqad naqshadaysan oo 20 doolar ku qoran tahay iyada oo laga yaabo qiimaha rasmi ah ee warqaddaasi in ay tahay 1 doolar wax ka yar. Muhimaddu qiimaha ay warqaddu leedahay ma ahe ee waa sheekada ay ka tarjumayso oo ah dawladda soo saartay, qiimaha lagu heshiiyay ee ay lacagtaasi matalayso. Sheekada lacagtu waa tan dadka oo idil ugu aqbalka badan yihiin marka loo fiiriyo kuwa ku saabsan luqadaha, shuruucda, xeer dhaqameedyada iyo diimaha oo laga yaabo in qof walba uu middiisa la qiimo badan tahay.
  • Si bulshadu isu baddasho waa in sheekooyinka ay bulshadu aamminsan tahay la baddalaa. Khuraafaadka ay dadku aamminsan yihiin ayaa haga hab nololeedka bulshada, nidaamka siyaasadee iyo midka dhaqaale ee dadku wadaagaan. Bedelaada quraafaadka, Dunida beddel. Boqortooyooyinka waxa ay ku abuurmaan sheekada laga aamminsan yahay madaxdeeda waxa ayna dumaan marka xooggii sheekada bulshadu ku dhex lahayd ay daciifto.

Isku soo duub, nuxurka buugga waxa ay noqonaysaa in dadku uu si ka duwan noolayaasha kale u karaamaysan yahay ha noqoto mid garaad iyo hal abuur (sida uu Harari ku doodayo) ama ha noqoto karaamo kale oo Eebbe samee ah (sida diimaha samaawiga ku qoran). Aadanuhu waxa uu kacdoonkii cilmiga u suura geliyay si xoog leh in uu ugu guulaysto in uu xakameeyo dunida iyo bii’ooyinka uu ku nool yahay. Kacdoonka cilmiga sidoo kale waxa ay loollan u galeen in sheekooyinkii khuraafaadka ahaa ee jiilba jiilka kale u gudbinayay in lagu baddalo aragtiyo cilmiyeed la caddeyn karo sax iyo qaladnimadooda, waxyaabo badan oo hubaal ahna ay baddaleen hubaal la’aan, asal raacnimadu ay faduul, qodqod iyo ogaal jacayl baddashay halka ereyadu ay baddaleen lambaro hase ahaatee farxadda dadka aysan waxba iska baddalin!

Total
0
Shares

Gorfeynta Buugga “Maps” ee Nuuraddiin Faarax

Maps waa sheeko ku saabsan siyaasadda damaca, dhulalka, xuduudaha, xuduudaha iyo himilooyinka dhul ballaarsiga. Sheekadu waxa ay tusmaynaysaa gobol awoodda lagu loollamayo oo soo maray taariikh fog oo dagaallo wakiilnimo (proxy war).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

Total
0
Share