Gorfeynta Buugga “Maps” ee Nuuraddiin Faarax

Maps waa sheeko ku saabsan siyaasadda damaca, dhulalka, xuduudaha, xuduudaha iyo himilooyinka dhul ballaarsiga. Sheekadu waxa ay tusmaynaysaa gobol awoodda lagu loollamayo oo soo maray taariikh fog oo dagaallo wakiilnimo (proxy war).
Total
0
Shares

Qoraaga Sheekada

Maps waa sheeko ku saabsan siyaasadda damaca, dhulalka, xuduudaha, xuduudaha iyo himilooyinka dhul ballaarsiga. Sheekadu waxa ay tusmaynaysaa gobol awoodda lagu loollamayo oo soo maray taariikh fog oo dagaallo wakiilnimo (proxy war). Maps waa sheeko ka mid ah taxanihii Nuuraddiin Faarax ee lagu magacaabayay ‘Dhiiggii Cadceedda’. Taxanahan ayaa waxa uu ka kooban yahay saddex buug: (1) Maps (2) Gifts (3) Secrets. Maps waxaa la daabacay 1986-dii.

Nuuraddiin Faarax oo ah qoraaga buugga, waxa uu ku dhashay magaalada Baydhabo (gobol ka tirsan dhulkii Soomaaliyeed oo xilligaa Talyaanigu ka talin jiray) sanadku marka uu ahaa 1945-kii. Waxa uu waxbarashadiisii hore ku soo qaatay gobolkii Soomaali Galbeed (ee Ingiriisku Itoobiya siiyay). Sidoo kale waxa uu wax ku soo bartay magaalada Muqdishu oo noqotay caasimaddii qaranka Soomaaliyeed. Nuuraddiin waxa uu ka mid yahay qoraayaan iyo halabuurro tiro yar oo lagu tilmaamo in yihiin ‘tarjubaannada dhabta ah’ ee qaaradda Afrika. Waxa uu noloshiisa ku qaatay in ka badan 10 dal oo Afrikaan ah iyo dhowr dal oo Yurub ah. Waxaa loo rashaxay abaalmarinta Nobel ee suugaanta.

Sheekada buugga ayaa waxa ay ka dhacaysaa Soomaaliya. Waxaana loo habeeyay qaab milicsi ah iyadoo Askar oo 18 jir ah uu dib u eegayo dhallinyaronimadiisii iyo carruurnimadiisii. Maps waxa ay matalaysaa Dagaalkii Ogaadeeniya, dagaalkii dhuleed dabayaaqadii 1970-meeyadii dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya ee ka dhacay gobolka Soomaali Galbeed ee loo garan og yahay Ogaadeenya. Sida uu cinwaanku tilmaamayo, Nuuraddiin waxa uu dhaxalkii gumeystaha ee kala qeybinta dhulalka iyo aragtiyihii duullaanka iyo dhul ballaarsiga ee waddaniyiintii daba raacay raadkii gumaystaha ku masaalayaa habka khariidad samaynta.

Falanqayn Kooban

Sheekadu waxa udub dhexaad u ah Askar, oo ku dhashay gobolka Soomaali Galbeed ee Itoobiya, oo ay Ingiriisku ku wareejiyeen Dagaalkii 2-aad ee dunida dabadii iyo Soomaaliya oo sheeganaysa lahaanshaha dhulka maadaama ay dadyow Soomaali ah deggan yihiin. Askar oo dhalashadiisii rajay noqday ayaa noqday agoon markii aabbihiisa, oo ahaa dagaalyahan u halgamaya dhulka Ogaadeenya ay dileen ciidamada Itoobiya. Askar waxaa soo korisay Misra, haweeney Oromo ah, oo laftigeeda lagu soo musaafuriyay dalkeeda. Waxa uu xiriir aad u dhow la yeelanayaa Misra, uuna u arkayaa in ay tahay hooyadii dhashay oo kale. Intii u dhaxaysay 1977 iyo 1978-kii dagaal baaxad leh ayaa ka dhex qarxay Soomaaliya iyo Itoobiya. Askar waxaa loo dirayaa reerka adeerkiis oo deggan Muqdisho halkaas oo lagu geeyo laguna korsado sida adeerkiis iyo eeddadiis si uu iyaga ula noolaado. Askar, markii uu Muqdisho yimid waxa uu dhibsanayaa in loo arkayay qaxooti. Inta badan waxa ay farriimo qoraaleed is dhaafsan jireen Misra.

Adeerkii Muqdisho deggan waxa uu rabaa in Askar uu jaamacad galo si uu u noqdo bare, halka qaraabadiisii kale ay ku riixayaan in uu ku biro ururka iska caabbinta Ogaadeen ee ONLF loo yaqiin si uu u raaco raadkii aabbihii. Markii ay ciidamadii Soomaaliya ay Itoobiya iyo xulafadeedii Midowgii Soofyeeti ka soo saareen gobolka Ogaadeen, qaxooti badan oo Soomaali ah oo ay ka mid ahayd Misra ayaa waxa ay yimaadeen Muqdisho. Habeenkii oo ku Askar ka fakarayay in uu go’aan ka gaaro sida uu mustaqbalkiisa noqon lahaa, Misra ayaa waxaa lagu eedeeyay in tahay jaasuus cadowga kaalmeeya maadaama ay ajnabi ahayd. Waxaa lagu weeraray meeshii ay degganayd, dabadeedna waa la kufsaday. Intaa kaddib, Asker abtigii Hilaal iyo xaaskiisa Salaado ayaa waxa ay keeneen gurigoodii. Misra mar danbe waxaa laga helay buro kaga taallay naaska bidix. Waxa ay gashay qalliin si looga soo saaro. Intii ay ku jirtay bogsiimihii, saddex qofood oo aan haybtooda la garan ayaa ka af duubatay cisbitaalkii ay joogtay. Maalmo yar kaddib waxaa la helay  maydkeedii oo meel cidla ah looga tagay.

Askar waxa uu maalintaa waayay qofkii keliya ee dunida wehelka ugu ahaa. Askar waxa uu waayuhu baday in ay uu ka soo qaxo dalkiisii, Muqdishana waxa uu ku ahaa laaji’ aan garan waxa uu samayn doono mustaqbalka. Dhinac waxa uu la daalaa dhacayaa xanuunkii geeridii Misra, dhinacna waxa uu loollan kula jiraa eheladiisii oo qaarkood raba in uu inta uu ciidan qorto ka qeyb galo la dagaallanka Itoobiya iyo qaar raba in uu inta uu Xamar jaamacad ka dhigto oo bare ka noqdo, nolol cusubna ka abuurto.

Nuuraddiin waxa uu sheekadani ku muujiyay xiriirka gumaysiga iyo khariidad samaynta ay leeyihiin. Deegaanka Ogaadeen ee uu Faarax ku soo qaatay caruurnimadiisii waxa ay ahayd meel dawlado iyo dadyow badani ku muransanaayeen.  Deegaanka Ogaadeen in kastoo Ingiriisku ku wareejiyay Itoobiya sanadkii 1948-kii, Soomaalida halkaa ku nool waxa ay isu haysteen in la juujuubay, dawladda Soomaaliyeedna waxa ay qabtay dhulkaasi in uu yahay dhulkeedii. Sidaa daraaddeed, Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa dhex maray loollan loogu tartamayo lahaanshaha iyo gacan ku haynta dhulkaas. Dagaalkii koowaad waxa ay isaga hor imaadeen sanad 1963-kii, saddex sano kaddib gobannimadii gobollada koonfur iyo waqooyi iyo aasaaskii Jamhuuriyaddii Soomaaliya. Dagaalka uu sheekadani khuseeyo waxa uu ahaa kii dhacay 1977-kii.

Nuuraddiin Faarax waxa uu si joogto ah ugu isugu shabahayaa waxyaabo badan sheekada gudaheeda. Marka uu sawirayo ayaan darradii Misra waxa uu u ekeysiinayaa dhibaatadii haleeshay Afrika iyo curashadii Soomaaliyadii colaadda u nugleyd ee uu gumeysiga ka tagay. Nuuraddiin sidoo kale waxa uu tilmaamayaa sida qoysasku ugu burbureen colaadihii Soomaaliya iyo Itoobiya. Sheekada waxa uu ku soo tebiyay magac-u-yaallada koowaad (aniga), labaad (adiga) iyo saddexaad (isaga) si uu xaaladda Askar uga muujiyo oo looga fahmo dhinacyo kala duwan. Waxaa kale oo in la xuso mudan in magaca sheekada ee ‘Maps’ uu ka tarjumayo sida khariidadaha kala duwan ay jahwareer ugu abuureen fahanka aqoonsiga ‘identity’ ee uu Askar qabo.

Nuuraddiin Faarax oo ah qoraa qurbaha ku noolaa in badan ayaa mar walba waxa uu doorbidayaa in uu dibad jooggiisa waxa uu ku sheegaa in uu yahay nin aa dibadda ka shaqeeya ama wax ka soo qora se aan ahayn nin qurbe joog ah maadaama uu dalkiisa ku soo noqon doono xilliga ugu horreeya ee ay u suura gasho. Sidaasi si la mid ah, xiriirka qof iyo dalkiisa ka dhexeeya waxaa sidoo kale sheekadu ku muujinaysaa duruufta Askar, wiil Soomaaliyeed oo ku soo koray gobolka Ogaadeen ee ay Soomaalidu degto se aysan ka talin iyaga. Askar waxaa Soomaali isir ahaan, siyaasad ahaanna waa muwaadin Itoobiyaan ah. Askar waxa uu dunida ku weheshadaa Misra oo ah haweeney Oromo ah (Itoobiyaan) isaga oo nacayb weyna u qaba Itoobiyaanka. Haweeneydii soo korisay waxaa dilaya qolo Soomaali ah oo isaga ku isir ah sheegtana in ay la dhinac yihiin loollanka lagu xoraynayo gobolkii uu ka yimid ee Soomaali Galbeed. Dhinac Marka uu Muqdisho yimid waxa uu dareemayaa in uu yahay laaji’, dhinacna waxaa lagu dhiirro gelinayaa in uu dagaalka qeyb ka noqdo, marna waxaa laga dilayaa qofka keliya ee uu wheel u haystay. Xiriirka ka dhexeeya Askar iyo Misra waxaa ku sii lifaaqan aragtida dawladda cusub ee Soomaaliya oo uu isaga martina ku yahay, dhiig ahaana ku abtirsado.

Askar waxa uu ka dhigan yahay ‘gobolka Soomaali Galbeed’ ee ay hareeyeen doodo la xiriira cidda leh sida Jamhuuriyadda Soomaaliya ee cusub ay uga dhalatay gumaysigii iyo loollankii u dhexeeyay dalalka Ingiriiska, Talyaaniga, iyo Faransiiska iyo duruufihii ku xeernaa dagaalkii qaboobaa, gobonnimadoonkii iyo dagaalladii ka danbeeyay gumaysiga.

Askar wuxuu matalaa riyo ummad aan helin aqoonsigii qowmiyadeed ee geeska Afrika. Askar adeerkiis waxa uu aamminsanyahay in isirka Soomaaliyeed uu yahay mid barax tiran oo aan isiro kale ku dheehnayn. Sida uu qabo Adeer Hilaal, qofka Soomaaliga ahi waa qof walba oo afkiisa hooyo uu yahay Soomaali si kasta oo xudduudo kala duwani ay u kala qeybiyaan, calamo kala duwani ay cirkooda uga babbanayaan ama luqado kale oo rasmi ah loogu isticmaalo adeegsiga rasmiga ah ee hawlaha dawladda. Askar waxa uu yaqaanaa Soomaaliga, Amxaariga iyo Carabiga. Macalinkiisa Muqdisho, waxa uu sidoo kale ku dhiirrigelinayaa barashada afka Ingriisiga oo ka caawin doonta sidii uu dadkiisa uga xoreyn lahaa gumeysiga.

Nuuraddiin Faarax waxa uu sheekadan ku muujinayaa in loo baahan yahay dib u habeynta khariidadihii Afrika ee gumeysigu dejiyay oo la abuurko kuwo cusub oo tixgelinaya baahida siyaasadeed, dhaqaalaha iyo bulsho ee dadka deegaanka. Sheekadu waxa ay muujinaysaa xiisadda aqoonsiga ee adage e Aksar oo haweeney Oromo ah ay soo korisay se u hanqal taagaya in uu noqdo nin Soomaali ah oo wadani ah.

Si kastaba ha noqotee, adeer Hilaal waxa uusan marna ka helin jacaylka uu Askar u hayo Misra. Askar waxa uu adeerkiis u sharxayaa in Misra ay tahay Oromo, oo ah dad dulman oo gooni ka ah Axmaarada ay Soomaalidu colka la ahayd. Tani waxa ay yaranaysaa niyad xumadii uu adeer Hilaal ka qabay in uu Askar isku dhejiyo Misra. Haddii ummadaha lagu dhisayo aasaaska luqadaha rasmiga ah ee ay dadku ku hadlaan, Misra waxaa laga yaabaa inay isu qeexdo inay tahay Itoobiyaan, laakiin dhaqanka Itoobiya ee af Amxaarka ku qoran wax badan kama tarjumayo afkeeda hooyo ee Oromka ah. Xiriirka Misra ee la xiriira Itoobiyaannimada waxaa laga yaabaa in ay nacayb ku kiciyaan qofka Soomaaliga, laakiin aqoonsigeeda Oromonimo waxa uu Soomaalida la wadaagaa dhaxalka amar ku taaglaynta maamulladii Axmaarada ee ummadaha kale afafkooda iyo dhaqamadooda gumeeyay. Maaddaama Misra ay ku hadasho Afka Soomaaliga, Askar waxa uu is weydiinayaa in ay qaadan karto waraaqaha aqoonsiga Soomaaliga iyo in kale.

Colaadda u dhaxaysay Soomaalida iyo Itoobiyaanka ayaa weligeed waxaa saldhig u ahaa dhul ballaarsi iyo aqoonsi diimeed oo dibadda soo dhigaysay loollanka u dhexeeyay Islaamka iyo Masiiyada ee geeska Afrika. Aw-Aadan oo ahaa macallinka Quraanka Askar waxa uu xiriir la lahaa Misra. Askar waxa uu diiddanaa nooca xiriirka ah ee macallinkiisa Quraanka iyo islaanta soo korisay ka dhexeeyay. Macallinkii oo isagana dareensan arrintaa ayaa si arxan darra ah ula dhaqmi jiray Askar.  Aw-Aadan waxa uu dili jiray Askar mar kasta oo uu xaraf qaldo isagoo u sheegaya in uu hadalkii Ilaah aan la qaldi karin. Askar arrintani waxa ay ku abuurtay dareen diidmo oo la xiriirta Carabiga iyo Islaamka.

Misra oo macnaha magaceedu ayahay ‘dhulka’ ayaa waxa ay korinaysaa askar oo macnaha magaciisu yahay ‘hub-side’ doonaya in uu kala saaro dhulka iyo circa calanka ka babbanaya. Askar mar walba waxa uu is xijinayaa Misra halka marka uu ka fekerayo qaranka uu daacad u noqonayo oo ah Soomaaliga ay ka fogaanayaan. Askar waxa uu dhowr jeer Misra weydiinayaa halka saxda ah ee Soomaaliya ay tahay, taas oo tilmaamaysa jahwareerka Askar ka haysta in uu helo aqoonsiga qaran.

Dulucda sheekada ayaa waxa ay na tusaysaa in kasta oo khariiddaduhu ay caddaymo l u yihiin jiritaanka  qaran ahaan ee dadka iyo aalad loo isticmaalo xadeynta iyo xallinta khilaafaadka xuduudaha, isla khariidadda lafteeda ayaa ah asalka halka ay ka dhashaan khilaafaadka u dhexeeya dadyowga Geeska Afrika. Waxaa soo baxaysa in ‘Soomaaliya’ sida ‘Misra’ oo kale ay yeelanayso sharaxaado kala duwan. Khilaafka u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya waxa uu Ogaadeeniya ka dhigayaa meel saddexaad oo kale oo ay tahay in labada dhinacba sheegto.

In kasta oo gobolka Ogaadeen uu yahay dhul jira oo aan male awaal ahayn haddana aragtiyaha qarannimo iyo lahaansho waxaa go’aamiya sheegashada dhulka, cidda ka arrimisa iyo waaqica siyaasadeed ee jira. Bulshooyinka leh dhaqammo reer guuraa oo soo jireen ah, xudduuda qaran mar walba waxa ay noqonaysaa mid ka baxsan xeyn daabka rasmiga ah ee qarankaas. Nuuraddiin Faarax laftiisa sida shakhsiyadda Askar oo kale, waxaa lagu tilmaamaa inuu yahay reer guuraa aan saldhig lahayn oo Soomaali reer magaal ‘cosmopolitan’ ah isu rogay oo sheekooyinka dalkiisa dibadaha ka weriya.

Total
0
Shares

Gorfeynta Buugga Homo Deus – Qubanaha Taariikhda Berri ee Yuval Noah Harari

Sidee bay noqon doontaa mustaqbalka aadanaha? Homo Deus - Qubanaha Taariikhda Berri, waxa uu taariikhyahanka iyo qoraaga buugga caanka ah ee Sapiens, Yuval Noah Harari, ku tibaaxayaa tagtada taariikhda dadka si uu u saadaaliyo timaaddada.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

Total
0
Share