Kun sano ka hor, tirada afafka dunida looga hadlo waxa ay kor u dhaafayeen 9,000. Dunidan dacalkeeda waxaa maantadan looga hadlaa wax kor u dhaafaya 7,000 oo luqadood. Isu-furanka dadyowga dunida iyo carro-edegeynta sii xooganaysa awgeed, tiradaasi hoos ayay u sii dhici doontaa iyada oo la filayo in sanadka 2100 ay afafka dunida ka jira noqon doonaan keliya 3,000, halka qarnida 23-aad ay keliya dunida ku hari doonaan 100 af. Arrintani ayaa waxaa loo aaneeyaa in afafka dalalka xoogga leh, hayaanka dadka ee qaaradaha kala duwan, caruurta cusub ee dibadda ku barbaartaba ay sababaan in la shiiqiyo ama la ciribtiro oo dabadeedna ay dabar-go’aan luqadaha dad badani ay ku hadlaan.
Waxaa inta badan doodo ka dhashaan afafka sida ay hodan u kala yihiin iyada oo qolo walba afkeeda gaarka ah uu la weyn yahay oo ay u arkaan in uu yahay kan ugu hodansan dunida. Qaar badan aqoonyahannadana waxa ay mar walba ka digaan dhibaatooyinka soo foodsaari kara afafkooda marka la siin waayo mudnaantii ay lahaayeen. Waxbarashadii iskuulka hoose, dhexe iyo sare oo dhan waxa aan ku soo qaatay afka Carabiga. Si naloogu dhiirrigeliyo hodantinimada af Carabiga waxaa na loo soo qaadan jiray meerisyadii gabyaagii reer Masar Xaafid Ibraahim ee ahaa:
وَسِعتُ كِتابَ اللَهِ لَفظاً وَغايَةً *** وَما ضِقتُ عَن آيٍ بِهِ وَعِظاتِ
فَكَيفَ أَضيقُ اليَومَ عَن وَصفِ آلَةٍ *** وَتَنسيقِ أَسماءٍ لِمُختَرَعاتِ
أَنا البَحرُ في أَحشائِهِ الدُرُّ كامِنٌ *** فَهَل سَأَلوا الغَوّاصَ عَن صَدَفاتي
Waxaa afka Carabiga lagu lagu amaanay in uu noqday af Quraanka xanbaaray dhihid iyo dhan macno ahaanba, oo aysan suuragal ahayn in maanta ay ku adkaato in uu erey-bixin u helo aaladaha casriga ah; hase ahaatee dadkiisa aysan muggiisa aqoon.
Af Soomaaliga ayaa ka mid ah luqadahaas dunida looga hadlo oo uu afka hooyo u yahay in ka badan 25 malyan oo qof, in kasta oo aan la wada oran karin dhammaantood waxa ay u adeegsadaan si isla mid ah. Af Soomaaliga ayaan helin fursadaha afaf badan oo uusan ka dhicin ay heleen. Taariikhda Af Soomaaliga qoran ayaa waxa ay jirtaa wax aan nus qarni aad uga badnayn. Soomaalida ayaa waxaa lagu tilmaamaa in yihiin dad ‘oral’ ah oo hadalka ka doorbida qoraalka oo leh suugaan baaxad weyn leh oo muujinaysa hodantinimada afka. Hase ahaatee, af Soomaaligu, laga soo billaabo 1972-kii oo ah markii la qoray, ma helin horumarintii uu u baahnaa. Isaga oo aan si hagaagsan adeegsiga maamulka hay’adaha dawladda, waxbarashada, iyo xiriirka dadweynaha ayaa waxaa burbur ku yimid dawladdii Somaaliya iyada oo uusan qoraal ahaan 20 sano jirsan.
Af Soomaaliga ayaa ah luqad hodan ah oo dadkiisu intii ay nolol adduun ku jireen ku soo caano maaleen, garbaxeeen, kuna sawirreen arrimaha noloshooda. Si aan ka dhicin tusaalihii Carabiga, aniga aragtidayda, Soomaalidu afkooda ayay ku diiwaangeliyeen taariikhdooda, doodahoodana ku galeen, kuna garrameen iyaga oo si waafi ah ugu ciil baxay. Borofaysar Maxamed Cabdi Xaaji Maxamed oo loo garan ogyahay ‘Gaandhi’ ayaa, isagoo muujinaya, hodantinimada af Soomaaliga waxa uu soo qaatay tusaalayaashan:
Carruurtu marka ay yar yar yihiin wiilka iyo gabadha lama kala saaro. Labaduba waa ‘cunug’. Marka la gudo ayaa waxa ay kala noqonayaan wiil iyo gabar, maxaayeelay ‘gudmo’ waa kala weecasho. Wiilku waxa uu noqonayaa ‘gaashaanqaad’, gabadhuna waxa ay noqonaysaa ‘gashaanti’. Marka loo yimaado hannaanka dhismaha bulshada ee ku salaysan xirfadda, waxaa loo kala saddex kooxood. Kooxda hore waa ‘waranle’ oo ah xoolo dhaqata iyo beeralayda ee loollanka ku jira. Kooxda labaad waa ‘waable’ oo ah qolada xirfadlayda ah ee birta, dharka iyo agabyada kale ee bulshada sameeya. Kooxda saddexaad ‘wadaad’ oo ah culimada diinta dadka barta ee ku hagta jidka suubban.
Dhanka kale, hodantinimada af Soomaaliga waxaa astaan kale u noqon kara buugga Gaso, Ganuun iyo Gasiin ee Cali Jimcaale Axmed oo ah buug ku qoran af Soomaali takhti ah, hannaan cajiib ah oo fariidnimo iyo halabuur aan is kallif ku jirin lagu sawiray. Cali Jimcaale, isaga oo si u saluugsan seeska qoraalka Soomaaliga iyo naxwihiisa, ayaa waxa uu na weydiinayaa sababta ‘sac’ oo dheddig ah loo siiyo qodob lab ah. Waxa uu tusaale u soo qaadanayaa ‘saca caanihiisa’ halkii laga oran lahaa ‘caanaheeda’. Waxaa uu rajaynayaa in inta dib loogu noqdo…. p.19
Sidaas markaad u eegto waxa aad arkaysaa in af Soomaaligu uu xilliyadaasi si waafi ah u sawiray hannaanka bulshada iyo qaybaha kala duwan ee nolosha. Xilligan dunida casriga ah aan joogno oo isbeddel weyn ku yimid habkii uu aadanuhu noloshiisa u maarayn jiray, waxaa dhacday in af Soomaaligu, dawlad iyo dad la’aan awgeed, uusan la jaanqaadin isbeddelladii yimid. Maalin walba marka aad joogto goob shaqo waxa aad maqlaysaa qof oranaya af Soomaaliga waxaas maxaa lagu yiraahdaa? Arrintan ayaa waxaa loo aaneeyaa maadaama afka aqoonta ee Soomaali badan uu noqday af aan ahayn kii hooyo oo qofkii uu waxyaabo badan oo uu af qalaad ku cabbiri karo uusan ku sheegi karin afkiisii hooyo.
Xoogga iyo waxtarka luqadda (iyo baahinta dhaqanka), waxaa irdaha u fura qodobbo dhowr ah:
Kow, baaxadda juqraafiga: oo ah awoodda luqadda ay u leedahay ama fursadaha ay u heshay in ay gaarto dhul ballaaran oo ka baxsan xarunteedii asalka ahayd sida tirada dalalka ee looga hadlo, baaxadda dhulka dalalkaasi iyo dalxiiseyaasha aada ama ka baxa dalalka luqaddaasi looga hadlo.
Laba, dhaqaalaha oo ah kartida iyo fursadaha luqadda ee in ay qayb ka noqoto nidaamka dhaqaalaha ee bulshada oo lagu cabbiri karo baaxadda waxsoosaarka dalalka (GDP) ee afkaasi adeegsada, badeecooyinka laga dhoofiyo hannaanka dhaqaale ee afkaasi iyo baaxadda afkaasi ee suuqyada maaliyadda ee caalamiga ah.
Saddex, aqoonta iyo meediyaha oo muujiya awoodda luqadda ee isticmaalka aqooneed iyo warbaahinta oo tusaaleyaah ay u noqon karaan xogta internetka, aflaanta ugu caansan, buugaagta loogu akhriska badan yahay, jaamacadaha ugu fiican iyo joornaallada akadeemigga ah ee afkaasi adeegsada.
Afar, dibloomaasiyadda: awoodda afka ee qaabaynta luqadda siyaasadda iyo xiriirka caalamiga ah oo aan ka soo qaadan karno adeegsiga hay’adaha caalamiga ah sida Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF), Bangiga Dunida (WB), Qaramada Midoobay, mareego-xogeedka hay’adaha xudduudaha dhaafsan.
Luqadaha waxa ay aasaas u yihiin kartida tartanka ee magaalooyinka dunida taas oo keentay in London iyo New York ay yihiin labada magaalo ee ugu horreeya caalamdka. Sidoo kale, Hong Kong iyo Singapore, oo leh kaabayaal Ingiriisi ah, ayaa noqday magaalo madaxeedka suuqyada maaliyadda marka loo fiiriyo Tokyo oo ah magaalo hal luqad keliya ku hadasha.
Qodobbadaas aan kor ku soo xusnay marka la fiiriyo, waxaa is weydiin mudan af Soomaaliga awooddiisa iyo hodantinimadiisa. Inta badan, qof walba oo Soomaali ah waxa uu ku faanaa afkiisa oo u arko in uu ka mid yahay afafka ugu hodansan adduunka haddiiba uusan ahayn kan ugu hodansan. Hase ahaatee, xilliyadan danbe, waxaa la arkaa in af Soomaaligu uu la jaanqaadi la’yahay horumarka teknoolojiyadda casriga ah iyo mawjadaha aqoonta cusub ee barbar socota.
Maadaama xilliyadan danbe oo helidda internetka ee dadka Soomaaliyeed ay aad u soo korodhay, lana dhiirrigeliyo isticmaalka af Soomaali baraxtiran, waxaa maalin walba, baraha bulshada ku aragnaa dad af Soomaali hagaagsan u raadinaya ereyo badan oo afaf qalaad ah. Maalin dhoweyd waxaan af Soomaali u raadinaynay ereyada Ingiriisiga ah ee ‘customer’ iyo ‘consumer’ oo macno kala duwan hase ahaatee iska ag dhaw leh.
Waxaa jirta doodo rakhiis ah oo ku saabsan in afka laga baraxtiro ereyo badan oo soo galooti ah iyada oo aan weli ereyo qalaad oo badan aan loo hayn kuwii u dhigmi lahaa. Guud ahaan ereyada af walba waxa ay ku soo galaan in la qaato ama la abuuro, kaddibna la wada aqbalo. Sidaas daraaddeed, halkii ereyo hirgalay oo af Soomaaligu uu ka soo amaahday afaf kale aan isku daalin lahayn in aan beddelo, waxaa hortebin leh in kuwa badan oo nolosha casriga ahi ay daruuri loogu yahay in loo helo kuwii u dhigmay.
Aniga aragtidayda, hodantinimada afka waa in uu si waafi ah u cabbiri karaa dhammaan afkaarta bulshada ee qeybaha kala duwan ee nolosha iyada oo la adeegsanayo ereyo asal ah ama kuwa la soo amaahday midka ay doonto ha ahaatee. Waxa aan marqaati ka dhiganayaa oraahdii Ludwig Wittgenstein ee ahayd “baaxadda luqaddayda ayaa xaddidaysa aragtidayda adduunka” Oraahdan ayaa waxa ay muujinaysaa in af walba oo leeyahay meelo uu ka gaabiyo ha ahaato ereyada, naxwaha amaba suugaanta. Sidaas daraaddeedna aan la huri karin in afafku ay ereyo is dhaafsadaan.
Afka Ingiriisiga oo ah luqadda koowaad ee maanta caalamku isku fahmo ayaa waxaa hodan ka dhigay ay tahay kartida uu u leeyahay in si fudud uu ereyo uga soo amaahdo afafka kale ee dunida. Tirada ereyada Ingiriisiga, in kasta oo ay adag tahay in la xaddido, ayaa lagu qiyaasaa in ay kor u dhaafayso 400,000 sida ku xusan qaamuuska Merriam-Webster iyo daabacaadihii danbe ee qaamuuska Oxford. Dhanka kale, af Soomaaliga ayaa, marka la fiiryo qaamuuskii Cabdalla Mansuur iyo Annarita Puglielli, lagu billaabay 30,000 erey iyada oo wadarta ereyada guud lagu qiyaasayo 50,000 oo erey.
In qaamuuska af Soomaaligu ay keliya tiradaas ereyo ah ku jiraan kama dhigna in ereyada afka Soomaaliga ay intaas yihiin ama ku ekaanayaan. Waxaa jira kumanaan ereyo ah oo aan qaamuuska ku jirin. Waxaa sidoo kale jira ereyo badan oo horumarka cilmiga, isbeddelka nolosha iyo isdhexgalka dadku ay soo kordhiyaan oo u baahan in loo helo ereyo la isku raacsan yahay oo lagu cabbiro arrimahaas.
Nasiib darro, dadaalka ugu badani waxaa lagu bixiyaa ereyadii aan afafka kale ka soo amaahannay in dib loo Soomaaliyeeyo iyada oo ay na hortaagan ereyo tiro badan oo nolohsa maantadan baahi aan u qabno adeegsidoodu aanse weli la hayn. Sidaas daraaddeed af Soomaaliga, ugu yaraan xaaladda uu maanta ku sugan yahay marka la eego, ma aha af hodan ah maadaama uu afafka kale kaga haray tartanka xanbaarista aqoonta casriga ah iyo nolosha isbeddelaysa.