Buugga Dhamaadka Saboolnimada “The End of Poverty” ee uu ku qoray dhaqaalayanka caanka ah ee Jeffrey Sachs waxa uu ka muuqata kalsooni weyn oo uu isku qabo qoraaga iyo baaq geesinimo ku dheehan tahay oo ku aaddan in saboolnimada daran ee dunida la ciribtiri karo. Sachs, waxa uu kaga doodayaa buuggiisa in saboolnimada daran (extreme poverty) oo lagu qeexo dadka nolol maalmeedkoodu uu ka yar yahay 1.25 doolar, la so oaf jari karo haddii haddii dalalka hodanka ah ee adduunka ay kordhin lahaayeen miisaaniyadaha gargaarka dibadda oo ay gaarsiin lahaayeen 135 bilyan ilaa $ 195 bilyan muddo toban sano ah, oo ay si sax ah u ahna loo qoondeeyo lacagtaas, saboolnimada ba’an ee adduunka waa laga ciribtiri doonaa ka hor sanadda 2025.
Sachs oo ah nin ku xeel dheer cilmiga dhaqaalaha xiddigaha ahaana waa maamulaha Earth Institute ee Jaamacadda Columbia iyo la-taliye khaas ah ee dhanka saboolnimada ee Xoghayahii Guud ee Qaramada Midoobay ee Koofi Anaan ayaa nuxurka buuggiisan waxa ay tahay in qeybo badan oo dunida ah ay dabinka saboolnimada (poverty trap) oo ay sabab u tahay deegaan xumo, kaabayaasha aasaasiga ah oo liita, iyo caafimaad xumo oo ka hor joogsaday bulshooyin badan in ay awood u yeeshaan samaynta dhaqaale wax soo saar leh oo korriimo la taaban karo horseedi kara mustaqbalka. Dalalka ay saboolnimadu aafaysay badankood ma awoodaan in ay sameeyaan maalgelin dhaqaalahooda muddada fog horumar iyo kobociisa saamaysa.
Soddonkii sano ee ugu danbaysay, aragtida reer Galbeedka ayaa ahayd in siyaasadaha suuqyada xorta ah ay horseedayaan koboc dhaqaale oo balaaran isla markaana ay yaraynayaan saboolnimada. Sachs waxa uu aamminsan yahay si kasta oo dhaqaalaha xorta ah uu xooggan yahay kama sara mari karo duruufaha deegaaneed ee dadka. Tusaale, dad iyo deegaanno la halgamaya cuduro, biyo iyo koronto la’aan kama soo bixi karaan saboolnimada ilaa ay helaan nidaam daryeel caafimaad iyo kaabayaasha bulsho oo hagaagaan.
Doodda Sachs waa mid aad u fudud. Inta badan waddamada Afrika waxa ay leeyihiin maamulo ka wanaagsan sida la malaynayo ee waxaa haraadiyay culeysyada haysta ee saboolnimada, jahliga, dhaqaale la’aanta, deymaha ballaaran, AIDS-ka, duumada, iyo abaaraha soo noqnoqda. Taa beddelkeed, fashalka Afrika iyo ay la jaanqaadi wayso dunida dhaqaalahoodu kobcay, maamul xumo ma ahee, waxaa ugu wacan duruufo joqraafi oo adag iyo saboolnimo xad dhaaf ah oo is biirsaday ayaa ka hor joogsaday in Afrika ka baxdo dabinka faqriga.
Sachs waxa uu qabaa in tallaabada ugu horreysa ay noqoto in loo kordhiyo deeqaha dawladaha saboolka ah la siiyo qaab dalab, kobcin iyo dhiirri gelin u samaysa maalgashiga khaaska ah. Marka sidaas maalgashi loo sameeyo, ganacsatada waxa ay helayaan dakhli wanaagsan. Sidaas darted, waxaa kordhaya faa’iidada dheeraadka ah ee ka soo baxda maalgelinta gaarka ah taasoo horseedi doonta koboc dhaqaale oo uu suuqu hoggaamiyo. Sachs waxa uu soo jeedinayaa qorshe dhammaystiran oo ka baaxad weyn siyaasadaha suuqa xorta ah oo ku lug leh horumarinta raasamaalka bashariga, ganacsiga, khayraadka dabiiciga ah, hay’adaha danta guud, raasamaalka aqooneed iyo kaabayaasha horumarka ee dalalka saboolka ah. Sachs, waxa uu qabaa in dhammaan caqabadaha saboolnimada ba’an looga bixi karto fasamooyin la isku hubo oo la soo tijaabiyay iyo oo teknloojiyad ku habboon duruufaha dalalka bacrimiyeyaasha beeraha, taleefannada gacanta, dawooyinka lidka ku ah ka hortagga cudurka AIDS-ka iyo kuwa looga hortago laguna daweeyo malaayirada.
Tubta horumarinta ee uu Sachs soo jeediyay waxa ay saamayn ku yeelatay dejinta himilooyinka horumarinta qarniga (Millennium Development Goals) ee Qaramada Midoobay kuwaas oo lagu saleeyay warbixin uu soo saaray xoghayaha guud ee QM oo ku saabsanayd baarista arrimaha dagaallada iyo nabadda, caafimaadka iyo cudurada, iyo baraaraha iyo saboolnimada. Qorysheyaashan ayaa waxa looga looga dan leeyahay sare u qaadidda xaaladda nololeed ee dunida saboolka ah. Sachs waxa uu ku doodi deeqaha la siiyo dawladaha saboolka ah in aanay noqon kuwa lagu saleeyo aragtida deeq bixiyeyaasha ee ay noqdaan kuwo ku habboon xaaladaha kala duwan iyo baahiyaha ka jira waddamada saboolka ah., ee ma aha hal-cabbir ku habboon-dhammaan qaababka ay ku-deeqeyaasha laba geesoodka ah iyo kuwa labada dhinacba badiyaaaba inta badan ku dhaqmayaan; gargaarka la gaarsiiyo dadka ku nool tuulooyinka fog fog mana qabsan karaan dowladda dhexe oo ah macaamiisha ugu weyn ee tabarucayaasha gargaarka.
Dadka shakiga ka qaba in beesha caalamku ay doonayso in dalaal culayskaasi dhan qaban karto, Sachs, waxa uu u sheegayaa in dadaallo noocan oo kale ah oo dunidu isugu tagtay horay loo qabtay looguna guulaystay sida dadaalladii caalamiga ahaa ee ciribtirka ee cudurka furuqa iyo kacdoonkii beerashada oo dawlado faro badan oo Aasiya ka tirsan loogu deeqay qalabka beeraha ayna ku guulaysteen in heersare ka gaaraan wax soo saarka beeraha. Sidoo kale, Sachs, waxa uu caddaynayaa in miisaaniyadda uu isaga soo jeediyay ay ka yar tahay ballan qaadayadii ay dawladaha horumary ku sameeyeen sanadkii 2002-da shirweynihii Monterey oo ay ku sheegeen in boqolkiiba 0.7 dakhligooda ay u qoondayn doonaan deeqaha horumarinta.
In kastoo aragtida Sachs ay tahay mid dadka soo jiidata haddana waxaa muhiim ah in la falanqeeyo meelaha gaabiska kaga jiro. Waa tan koowaade, Sachs waxa uu soo celiyay aragtiyo horay u jiray oo aqoonyahanno isaga ka horeeyay ayaa aragtidiisa kuwo dhow soo bandhigay laakiin mid guulaysata weli lama hayo. Sachs waxa uu, sidoo kale, iska indho tirayaa aragtiyaha ka soo horjeeda isaga ee sheegaya in dhaqanka iyo deegaannadu aysan go’aamin horumarka bulshooyinka.
In kastoo baaxadda buuggan uu gaarayo 400 bog, qoraaga waxaa lagu dhaliili karaa in uu aad ugu soo celceliyay xantii soo jireenka ahayd ee dhibaatooyinka Afrika haraadiyay sida Aids-ka, duumada iyo nolosha saboolnimo. Sachs waxa uu akhristayaasha u sawirayaa in Afrika oo dhan ay tahay meel liidata iyo dadkeeda oo idil ay silic ku nool yihiin. In kasta oo uu leeyahay barnaamijyada horumarinta waa in ay qeyb ka ahaadaan dadyowga qaaradda, Sachs waxa uu si toos ah u qeexayaa in dadyowga Afrika ay horumar hiigsan karaan keliya marka ay taageero xoog leh ka helaan reer galbeedka.
Waxaan aad loo filanayn in qorshaha uu soo jeediyay Sachs uu si buuxda u dhaqan galo. Hase ahaatee, haddii ay jirto qaab 150 bilyan lagu kharash gareeyo oo yarayn karta saboolnimada daran ee dunida ama uu Sachs waxa uu sheegayo ay qeyb ahaan sax yihiin waxa ay horseedaysaa waxtar weyn: Waxaa noloshooda isbaddali kartaa 500 milyan oof qof.
Gunaanadkii, doodda Sachs, waxa ay qeyb ka tahay laba iskuul oo ku baratamaya qaababka ugu wanaagsan ee horumarka loo sameeyo. Mid waa hannaanka ‘agency perspective’ ee qaba in qeybta ugu muhiimsan ee horumarka ay ka billaabato dadka in ay iyaga la yimaadaan hindiseyaal xal loogu helo dhibaatooyinka iyaga haysta. Midka kale dalalka saboolka u arka sidii bukaan oo kale oo loo baahan yahay in dad kale ay dhakhaatiir u noqdaan oo arrintooda dawo u raadiyaan. Sachs waxa uu ka mid yahay shakhsiyaadka aaminsan in dhibaatooyinka dawladaha saboolka ah uu Galbeedku xal u heli karo ee iyaga keligood aanay isku filnayn. Si kasta oo loo buunbuuniyo aragtida Sachs weli ma xaqiijin guul la taaban karo.