Gorfaynta Buugga “Leadership: Six Studies in World Strategy” ee Henry Kissinger

Hoggaan la’aantu/xumadu waxa ay keentaa in ururada/hay’aduhu ay ka anbadaan yoolkoodii ama ay heehaabaan gudcur dhammaadkiisa ku soo idlaata dib-u-dhac, fadhiidnimo iyo khasaaro ummadeed oo dawladahaasi ka dhiga kuwa aan la tabin, lana tirsan marka la joogo golayaasha caalamka.
Total
0
Shares

Bulsho walba, si kasta oo uu yahay nidaamkeeda siyaasadeed, waxa ay isaga gudubtaa marxalado kala duwan oo seeskeedu yahay tagto qaabaysa xusuusteeda ummadeed iyo aragti mustaqbal oo ilhaaminaysa horumarkeeda. Bulshada inta ay dhabbahaasi hayso, hoggaanka ayaa ah tamarta ay ku dhaqaaqayso: go’aanno badan ayaa loo baahan yahay in la qaato, kalsooni shacab ayaa qasab ah in la abuuro, ballan-qaadyo badan ayay tahay in la fuliyo, iyada oo, sidoo kale, ay lama huraan tahay in jidad cusub in la horseedo.

Intii uu aadanuhu jiray, ururadii iyo hay’adihii kala duwanaa ee uu u adeegsan jiray agaasinka, abaabulka, iyo aqoolka hawlihiisa, ha ahaadeed kuwa dawladeed, diimeed, ciidan, ganacsi, waxbarasho, iwm ahba, dhammaan waxaa lama huraanna u ahaa in la helo hoggaan dadkaasi ka caawiya in ay abarta ay joogaan ka dhaqaaqaan oo bar kale oo ay hiigsanayeen gaaraan amaba hoggaanku sii oddoroso yoolal dadka badankiis xitaa aysan maalin ku soo dhicin in ay hiigsadaan. Hoggaan la’aantu/xumadu waxa ay keentaa in ururada/hay’aduhu ay ka anbadaan yoolkoodii ama ay heehaabaan gudcur dhammaadkiisa ku soo idlaata dib-u-dhac, fadhiidnimo iyo khasaaro ummadeed oo dawladahaasi ka dhiga kuwa aan la tabin, lana tirsan marka la joogo golayaasha caalamka.

Si loo meel mariyo staraatiijiyadaha lagu dhiirrigelinayo bulshada, hoggaamiyeyaashu waa in ay noqdaan bareyaal soo gudbiya hiigsiga ummadaha, yareeya shakiga iyo hubaal li’ida, xoojiyana taageerada iyo midnimada dadka. In kasta oo dawladuhu ay ku keli yihiin isticmaalka awoodda, in mar kasta la isku halleeyo oo lagu tiirsanaado is qasabka, waxa ay astaan u tahay hoggaan xumo; maxaayeelay hoggaanka fiican waxa uu dadkiisa ku beeraa rabitaan ah in ay iskood u garab istaagaan.

Buuggan hoggaaminta ku saabsan waxaa qoray Henry Kissinger oo ah rugcaddaa siyaasadeed oo 100 sano jirsaday sanadkan oo muddo nus qarni ka badan ku hawlanaa siyaasadda caalamdka. Kissinger waxa uu u arkaa in geesinimada iyo shakhsiyadda xooggani ay yihiin tilmaamaha muhiimka ah ee laga rabo in uu yeesho hoggaamiyaha siyaasadeed ee xilligan casriga ah. Waxa uu buuggani ku qaadaa dhigayaa tusaaleyaasha lix hoggaamiyeyaal siyaasadeed oo qaar ka mid ah dalalka dunida ka soo arrimiyay qaybihii danbe ee qarnigii 20-aad, oo qaarkood uu qoraagu si shakhsi ah u garanayay amaba ay saaxiibbo ahaayeen. Hoggaamiyeyaashaasi waxa ay kala yihiin Konrad Adenaur, Charles de Gaulle, Richard Nixon, Anwar Sadat, Lee Kuan Yew iyo Margaret Thatcher.

Aragtidiisa siyaasadeed waxaa udub dhexaad u ah fahanka istaraatiijiyadda oo seeskeedu yahay sida loo dhigo danta qaranka iyo xiriirka quwadaha caalamka oo aan wax badan iska beddelin ilaa bartamihii qarnigii 17-aad iyo xilliyadii Heshiiskii Westphalia. Sida istaraatiijiyadaha hoggaamiyeyaashu ay uga dhaqan galaan waaqaca dunida waa arrin u baahan in si taxaddar leh loo qaadaadhigo.

Kissinger waxa uu buuggiisa uga faallooday saddex nooc oo hoggaamiyeyaal ah. Waxaa ugu horreeya hoggaamiye maamul (managerial), kaas oo maareeya hawl-maalkeedka dawladda si waafaqsan arrimaha bulshada, siyaasadda amaba dhaqaalaha ee markaa taagan. Nooca labaad ee hoggaanka ee uu Kissinger ka hadlay waa hoggaamiyaha uu ku magacaabay nin-dawladeed (statesman) oo ah hoggaan leh wacyi xoog leh oo ku aaddan danta qarankiisa oo aasaaskeedu yahay jiritaanka, juqraafiga, taariikhda dawladda iyo maqaamkeeda caalamka. Nooca saddexaad ee hoggaanku waa kuwa loogu yeero garabdaar (visionary/prophet) ah, oo ah hoggaan aragti fog oo xanbaarsan falsafad iyo aydiloojiyo cad oo rumaysan in ay u hoggaamiyaan ummadaha dhanka hab feker iyo mid nololeed oo ugub ah oo dhaafsan baaxadda fekerka iyo khayaalka dadka isaga ku hareeraysan.

Hoggaamiyaha maamuleed waxa uu maalin kasta fadhiyaa xafiiskiisa, isagoo arrimaha dalka maarayntooda ku haga hawlwadeennadiisa. Nin dawladeedka marka uu hagayo bulshada waxa dhinac socda oo uu hagayaa dadkiisa, halka hoggaamiyeyaasha garabdaarka ahi ay ka horreeyaan dadkooda oo ay hormuud u yihiin riyada cusub ee qaramadoodu hiigsanayaan. Aqoonyahanka reer Falastiin Waddaah Khanfar ayaa ku soo kordhiyay nooc kale oo afaraad oo uusan sheegin Kissinger. Khanfar waxa uu ku doodayaa in uu jiro nooc hoggaan ah oo laga helo dawladaha aan horumarin sida dalalka Carabta iyo Afrika. Noocan ma aha hoggaan maamul maadaama aysan lahayn kartidii iyo xirfadihii maamul iyo hoggaamin ee daruuriga ahayd u ahayd in la gaaro horumar dhaqaale, siyaasadeed ama bulsho. Noocan ma aha nin dawladeed maadaama uusan lahayn wacyi taariikheed iyo dadaal looga miradhaliyo hiigsiga ummadeed ee dalalka, mana laha aragtiyo horumarineed fog oo ay taariikh cusub ugu abuurayaan ummadahooda. Si markaad u eegto, waxaad mooddaa Khanfar in uu ka sheekeynayo noocyada hoggaamiye-ku-sheegga ah ee maanta dalalkeena iyo dalal badan ka muuqda.

Dhammaadka buugga, qoraagu waxa uu bulshada casriga ah ku tilmaamayaa in ay tahay mid ku dhisan mudnaan (meritocracy) oo ah hannaanka beddelay midkii sooyaalka ahaa ee aristoqraadiyadda ee ku salaysnaa dhalashada qofka, tixgelinnna aan siin jirin kartida iyo waxqabadka qofka. Sidaas daraaddeed, lixdii qof ee uu buuggiisa ku soo bandhigay midna kama iman dabaqadihii sare ee soo jireenka ahaa ee bulshooyinkooda, oo waxa ay ahaayeen kuwa ku soo barbaaray nolol halgan ku dhisan oo dhaxalsiisay ruuxda iyo habdhaqanka dabaqadda dhexe ee cusub. Astaamaha ay wadaageen shakhsiyaadkaasi ayaa waxaa ka mid ahaa fahanka dhabta ah ee waaqica, aragti fogaansho, dhiirranaan, degganaan ruuxi ah iyo awoodda ay u lahaayeen in ay ka hor imaadaan ama iska caabbiyaan guuxa dadka ee hadba markaas taagan. Waxa ay mar walba meel mariyeen siyaasado nolosha dadkoodii wax badan ka beddelay, hase ahaatee marka hore aan ahayn siyaasadaha caanka ah ee dadka fadhi-ku-dirirka jooga si sahlan ugu muuqda.

Kissinger waxa uu si gaar ah u tibaaxay in shakhsiyaadkaasi ay ka midaysnaayeen aqoon ballaaran oo ay u leeyihiin culuumta bulshada, cilmiga beesha (civic education) iyo tan maamulka dawladda. Hoos u dhaca ballaaran ee ku yimid waxbarashadii heerka jaamacadeed ee la xiriirtay afkaaraha bulshada, ayaa Kissinger waxa uu u arkaa in ay caqabad ku noqotay ababinta jiil cusub oo noqda hoggaan iyo adeegeyaal dadweyne oo wanaagsan ee la tirsan kara heerarkii hoggaamiyeyaasha uu tusaalaha u soo qaatay. Waxbarashada casriga ah oo sii noqonaysa mid xaddiley (quantitative) ah ayaa horseedday saarista farsama-yaqaanno (technocrats) iyo ololeeyeyaal aan lahayn aragti taariikheed iyo mid falsafo oo mug leh. Haldoorka iyo bulshada ayaa noqonaya kuwa aad u sii kala fogaanaya wacyi ahaan, shakina uu soo ku dhex jiro, iyada oo ay yaraatay afkaar bulsho iyo ilbaxnimo la wadaago oo isku xirta waaqica dadka iyo hiigsigooda.

Isbeddelka cusub ee teknoolojiyada casriga ahi la socday ayaa sababay in laga guuro dhaqankii qoraalka oo loo guuro muuqaal, taas oo oo si sahal ula baahday adeegsiga internetka, saamayn xoogganna ku yeeshay wacyiga guud ee bulshada. Kissinger waxaa dooddiisa laga dhadhansanayaa in uu tibaaxayo isbeddelkan in uu, sidoo kale, keenay soo if bixidda shakhsiyaad bulshada dhexdeeda caan ka ah laakiin aan miisaan iyo mugba lahayn, hoggaan fiicanna u noqon karin horumarka doodaha fekerka ee bulshada. Waa kuwa aan maalmahan danbe ugu yeerno in ay yihiin “influencers”.

Gunaanadkii, Kissinger waxaa lagu eedeeyaa in uu iska indhotiray khaladaadkii qaar ka mid ah shakhsiyaadkan uu buuggiisa ku soo qaatay oo uu isagu u riyaaqsanaa sida Nixon oo uu la-taliyaha u ahaa, De Gaulle, Saadaat iyo kuwa kaleba. Dunida, marka lagu eego indhaha Kissinger, loollanka quwadaha caalamka kama duwana kii qoysaska u dhexeeyay ee sida farshaxannimada leh daraamadeeda loogu soo bandhigay musasalkii Game of Thrones, iyada oo Kissinger la siin karo kaalinta la taliyaha boqorka (Hand of the Kig) kaas oo boqor khawaafsan, oo cid walba shaki ka qaba hadba dhegta ugu sheega khataraha ku soo fool leh.

Total
0
Shares

Sababta aadan Mar Danbe Gambaleelka Hurdada u Dib Dhigi Doonin!

Marka alarm-kaagu dhawaaqo, maskaxdaadu waxa ay u badan tahay in ay ku dhex jirto meertada REM, taas oo ah marxaladda u danbaysa ee meertada hurdada. Meertadan hurdada ee REM waxay joogsataa marka aad u soo kacdo in aad damiso alarm-kaaga ama aad taabato badhanka dib-u-dhigga (snooze).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

Total
0
Share