“Marka aad jalleecdo bogagga buug xiiso leh, waxaa dhegahaaga soo gaaraya codka qof kale, laga yaabeen in uu yahay mid dunida ka xijaabtay 1,000 sano ka hor. In aad akhridaa buugaagta waxay ka dhigan tahay adigoo geeddi ku noqday waqtiga.” Oraahdan ayaa laga hayaa Carl Sagan, saynisyahankii cilmiga falagga iyo koonka. Sannadkii tagay ee 2020, waxaan geeddiga aqoonta u weheshaday buugaag dhowr ah oo aan is leeyahay waa muhiim in aan idiin la wadaago. Halkan hoose ka akhriso qubanaha buugaagtaas aan geeddigii aqoonta ee sannadkii 2020 wehelka iigu noqday.
The Narrow Corridor
W.Q. Daron Acemoglu & James Robertson
Xorriyaddu badanaa ma aha hannaanka dabiiciga ah nidaamyada aadanaha. Meelaha badankood iyo waqtiyada badankood, kooxaha xoogga lihi waxa ay xukumaan kuwa itaalka daran oo xorriyadda aadanaha ayaa badanaa lagu xad-gudbaa iyada oo la adeegsanayo xoog, caadooyin iyo xeerar. Dawladuhu waxa ay midkood ahaayeen kuwo tabar daran oo aan ka difaaci karin muwaaddiniinta khataraha soo food saara xorriyaddooda, ama kuwo aad uga xoog badan dadka oo ay muwaaddiniintu ku adkayd in iska baaciyaan ku takrifalkeeda. Xorriyaddu waxa ay si fiican u baraartaa keliya marka si taxaddar leh la isugu dheelitiran yihiin xiriirka iyo awoodaha dawladda iyo bulshada.
Waxaa jira aragti dhalanteed ah oo reer Galbeedka dhexdiisa xoog ku leh oo ku doodaysa in xorriyadda siyaasadeed ay tahay mid waarta, oo ka dhalatay hannaankii “Ifka Yurub.” Xaqiiqdu waxa ay tahay ahaan, tubta xorriyadda ayaa ciriiri ah waxa uuna furan yahay oo keliya marka uu jiro halgan aasaasi ah oo aan kala joogsi lahayn oo u dhexeeya dawladda iyo bulshada. Waxaa uu buuggani tusaalaynaa xoogga dawladda Shiinaha, qafiska caadooyinka ee Sacuudiga, iyo dawladaha magac-u-yaallada ah ee Afrika ka jira si loo muujiyo sida waddammada uga leexan karaan marinka xorriyadda. Sidoo kale buugga waxa uu tilmaamayaa sida maantadan ay dunida uga jiraan dalal badan oo ku jira jahwareer siyaasadeed taas oo abuuraysa in muwaaddiniintu helaan xorriyad in ka badan abid intii ay haysteen, laakiin marinka xorriyadda ayaa ah mid dhib iyo dhagar badan. Khatarta soo fool leh ma aha, keliya, luminta xorriyada siyaasadeed, oo waxaa ku xigaya hoos u dhaca baraare oo si weyn ugu tiirsan xorriyadda. Marinka xorriyadda haddii laga leexdo waxaa loo weecanayaa waddada burburka.
Somali Foreign Policy, 1960 –1990: An Analysis of Thirty Years of Diplomatic History
W.Q. Ibrahim Farah ‘Bursaliid’
Buuggan Siyaasadda Dibadda ee Soomaaliya, 1960 –1990: Falanqeynta Soddon Sano oo Taarikh Diblomaasiyadeed ah ee uu qoray Dr. Ibraahim Faarax ‘Bursaliid’ ayaa waxa uu adeegsaday aragtiyada habdhaqanka dowladeed si uu jawaab uga helo weydiimihiisa la xiriiray siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya intii u dhaxaysay xorriyadda 1960-kii iyo burburkii dowladda 1991-kii iyadoo tan hore lala xiriirinayo isbeddellada dagaalkii sokeeye iyo khilaafaadyadii ka dambeeyay burburkii dawladda.
Buuggu waa aqoon muhiim ku biirinayaa burburka qaranimada Soomaaliya, saamayntiisa dalka oo ay ka mid tahay siyaasadda arrimaha dibadda. Waxa uu sidoo kale lafo gurayaa su’aalo dhowr ah oo ku saabsan iska horimaadyada iyo khilaafaadka u dhexeeya dawladaha Afrika iyo siyaabaha ay isku dhacyada hubaysan ee qaaradda uga dhashaan isugeynta arrimo gudaha iyo dibaddaba ah.
Is-xilqaanka: Aasaaska Xaqiijinta Masaalixda (التطوع: حجر الزاوية في تحقيق المصالح)
W.Q. Cali Sheekh Axmed
Buuggan oo uu qoray borofeysar Cali Sheekh Axmed oo ah shakhsiyad dadaal badan ka muujiyay horumarinta waxbarashada Soomaaliya ayaa waxa uu diiradda saarayaa tadawuca (is-xilqaan) oo ka mid tiirarka ay nolosha ku tiirsan tahay laga billaabo iimaanka Alle ilaa laga gaaro dadaallada horumarinta nolosha. Buugga waxa uu tusaale u soo qaadanayaa dadaalladii nebiyada Alle iyo sida hawlshooda aysan ugu doonaynin in ka macaashaan iyo Alle dartii iyo isxilqaan ay uga ahayd. Dulucda buugga waxa ay xoogga saaraysaa muhimadda ay leedahay in la mideeyo dadaallada la bixinayo ee ku salaysan rabitaan xor ah iyo is-xilqaan si loo xaqiijiyo danaha bulshada loogana hortago waxyaabaha burburka keena. Waajibaadka dadka ka saaran ummadda waa ay adkaanaysaa in la oogo haddii aanan si wadajir ah looga shaqayn.
Qoraagu waxa uu isku dayayaa in uu saxo fahanka qalloocan ee la xiriira waajibaadka guud ee shakhsiyaadka oo dhan laga rabo (fardu-cayn) iyo waajibaadka kale ee haddii koox bulshada ka mid ahi ay gudato inta kale uu ka dhacayo waajibka (fardu-kifaayah) taas oo abuurtay fahan aan toosnay oo diinta ah oo waajibaadka oo dhan ku soo koobaya tiirarka diinta, inta ka soo hartana aysan shakhsiyaadku ku kallifnayn. Arrintan ayaa dhalisay in bulshada badankeed ay ka fariistaan waajibaadka umadda. Waxaa muhiim ah in la ogaado in aysan jirin farqi weyn oo u dhexeeya labada nooc ee waajibaadka ah ee shareecadu bayaanisay lana bayaaniyo in ummaduhu ay ku denbaabayaan haddii midkood laga gaabiyo. Ugu danbeyn, buuggu waxa uu soo bandhigayaa muuqaallo kala duwan oo is-xilqaanka ka mid ah oo caalamka ka jira oo na tusinaysa sida is-xilqaanku uu lagama maarmaanka ugu yahay horumarka iyo is baddalka bulshada.
Systemic Earthquake and the Struggle for World Order
W.Q. Ahmet Davutoğlu
Qoraaga buuggan, Davutoğlu, oo ah Raysulwasaarihii iyo Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Turkiga, ayaa ka mid ah shakhsiyaad tiro yar oo naadir ah oo isku darsay madaxnimo siyaasadeed oo heersare ah iyo aqoon-yahannimo xoog leh. Waxaa lala barbardhigaa saamaynta uu siyaasadda dibadda ku yeeshay shakhsiyaadka caanka ah sida Henry Kissinger iyo Zbigniew Brzezinski.
Davutoglu waxa uu soo qaadanayaa dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee dunida gilgilay iyo sida ay u baddaleen nimaadka siyaasadeed ee caalamka isagoo dhacdo walba u ekeeysiinaya gilgilka ka danbeeya dhulgariirada. Dhacdooyinkaasi waxaa u horreeya (1) dhul-gariirkii Jiyobolitiga ahaa ee ka dhashay burburkii nidaamkii Soofiyeetiga ahaa (1) dhulgariirkii amni ee ka dhashay dhacdadii 11-ka Sebteembar ee lagu weeraray daarihii mataaanahaa ee Xarunta Ganacsiga Dunida ee dalka Maraykanka (3) dhulgariir dhaqaale ee ka dhashay hoos u dhacii dhaqaale ee suuqyada caalamka ee 2008 (4) dhulgariir bulsho ee ka dhashay kacdoonnadii bulshada ee loo yiqiin Guga Carbeed ee billowday 2011 ee bulshooyinku ku doonayeen is baddalka qaab-dhismeedka dalalkooda. Isagoo ka duulaya nidaamka caalamiga ah sida ay u saameysay dhulgariiradaas ama dhacdooyinkaas isku xiran, ayaa Davutoglu waxa uu eegaaya mustaqbalka ee suurta gal ah iyo nidaam cusub oo dunidu yeelato. Kadib falanqeyntiisii dhibaatada aloosan, Davutoğlu wuxuu abuurayaa himilo nidaam dimuqraadiyadeed cusub oo caalami ah oo laga dhisi karo haraadiga nidaamka caalamiga ah ee sii liicaya.
Davutoglu waxa uu fashalka nidaamka caalamka u eersanayaa aragtiyaha mayalka adag ee hiyi raaca ah, dadkana kala qeybiya (exclusive populism), madaxda beesha caalamka oo masuuliyad ka carar ah iyo siyaasado calami ah oo aan caqli dheer oo san ku salaysnayn. Davutoglu waxa uu ku talinayaa in madaxda caalamku marka ay siyaasadaha qiimaynayaan in ay lahaadaan aragti waaqici ah ah se aan ka tagayn qiyamtii aadanaha iyo isku duubni ku salaysan banii’aadannimo iyo dhawrid xquuqda iyo xornimada qofka oo uu isagu u yeeray (inclusive democracy). Davutoglu waxa uu dhaliilayaa nidaamka siyaasadaha dawladaha ee ay danta keliya hoggaamiso ‘real politik’ isagoo ku talinaya in la isku keeno danaha iyo qiyamta banii’aadannimo, tani waxa uu isaga ugu yeeraa waaqici samo-faalis ah ‘optimistic realism’ oo uu aaminsan yahay in ay hagi karto samaha caalamka cusub.
Who Rules the World?
W.Q. Noam Chomsky
Noam Chomsky oo ah qoraaga buuggan ayaa ah aqoonyahannada ugu saamaynta badan ee su’aalaha ugu badan ka keenay habka dawladda Markaykanka iyo reer Galbeedkaba ula dhaqmaan dunida inteeda kale. Buuggan Yaa Xukuma Dunida waa natiijada gorfeyn cilmiyaysan oo sanado badan la soo waday oo uu qoraagu diiradda ku saaray baalasha madow ee taariikhda Maraykanka, dib u soo kabashada dawladda Shiinaha, xannibaadaha la saaray Iiraan, dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan iyo sida hadallada Maraykanka ee la xiriira xoriyadda iyo xuquuqda aadanaha ay badanaa uga soo horjeeddo falalka dawladda.
Chomsky waxa uu sidoo kale kaga hadlayaa buuggiisa sida xulka maalqabeenka ah ee dunida ay u noqdeen kuwo ka gaashaantay xakamaha nidaamyada dimuqraadiga ah ee dalalka. Waxa uu sidoo kale Chomsky ifinayaa runta qaraar ee isbeddelka cimilada iyo halisaha faafidda hubka nukliyeerka ay ku leeyihiin jiritaanka aadanaha. Waxa uu cod dhiirranaan ku jirto ku caddaynayaa run badan oo dadka talada ka haya ay ka gaabsadaan in carrabka ku ballaariyaan. Waxa uu tilmaamayaa sida Markaykanka weli uu keligii u go’aamiyo arrimaha caalamka. Ugu danbeyntii, waxa uu tilmaan ka bixinayaa doorashada Donald Trump iyo sida ay tusaale ugu tahay aragtida guud ee dadka Maraykanka.
Guns, Germs and Steel
Buuggan Guns, Germs and Steel: A Short History of Everybody for the Last 13,000 Years (Jeermiska iyo Birta: Qubanaha Taariikhda Dunida 13,000 Sannadood Ee ugu Dambeeyay) ee uu qoray Jared Diamond waxa uu isku dayayaa inuu sharraxo sababta xadaaradihii Yuuraasiya iyo Waqooyiga Afrika ay uga badbaadeen ugana adkaadeen kuwii kale ee ka jiray qeybaha kale ee dunida. Halka ay aqoonyahannada qaarkood ku doodayaan in guusha ay Yuuraasiya gaartay ay sabab u tahay hiddaha isirada dega Yuuraasiya iyo dhaqammada ay leeyihiin, ayaa Diamond waxa uu ku doodayaa in farqiga horumarka iyo tiknoolajiyada ee u dhaxeeya bulshooyinka aadanaha ay saldhig u yihiin kala duwanaanshaha deegaannada oo aysan xiriir la lahayn isirka iyo hiddaha qofka.
Deegaannada qaar waxa ay bulshada siiyaan agabyo badan oo bilow fiican u noqda dhismaha bulshooyinka. Waa uu Daimon ku doodayaa in horumarka Yurub ay horseed u ahaayeen sababo ay ka mid yihiin kala duwanaanshaha qaaradaha ee dhirta iyo xayawaanka la dhaqan karo, taas oo horseeday kayd cunno iyo degsiimo dadkoodu tiro badan yihiin iyo heerka faafitaanka tikniyoolajiyadda beerashada iyo halabuurada kale oo la xiriira jihada juqraafiyeedka Yurub iyo Aasiya (bari-galbeed) marka la barbar dhigo Ameerika (waqooyiga-koonfurta). Arrimahan ayaa waxa ay fududeeyeen beerashada, dhaqashada xayawaanka, curashada luqad qoran, deegaamaysi dadkiisu badan yihiin, gacansiga iyo is dhex galka bulshada oo keentay in ay difaac ka yeeshaan cuduro badan oo dilaa ah iyo horumarka ganacsiga oo fududaaday.
This is What America Looks Like
W.Q. Ilhaan Cumar & Rebecca Paley
Ilhaan Cumar waa shakhsiyad taariikhda Maraykanka meelo badan oo ka mid ah ka noqtay qofkii ugu horeeyay: waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaali-Mareykan ah oo qaxooti ahaan u tagay oo loo doortay Golaha Wakiillada iyo mid ka mid ah labadii haween ee ugu horreeyay ee Muslim ah ee ka mid noqda Koongaraska Mareykanka. Marka laga hadlayo la dagaallanka naceybka iyo kala qeybsanaanta, waxa ay noqotay shakhsiyad hormuud ah oosumcad caalami ah yeeshay iyada oo cod xoog leh ku soo bandhigaysa aragtiyaheeda marka la joogo saaxada siyaasadda.
Buuggani waxa uu xanbaarsan yahay sheekada Ilhaan isagoo tixraacaya himilooyinka, niyadjabka, guulaha iyo layaabka nolosha soo galootiga iyo muslimiinta ku nool Mareykanka maanta. Tani waa sheekada Ilhaan oo lafteedii ka warramaysa nolosheedii laga soo bilaabo yaraanteedii Muqdisho iyo afar sano oo dheer oo ay ku jirtay xero qaxooti oo Kiiniya ah, ilaa imaatinkeedii Ameerika iyo guusha doorashadeedii Golaha Wakiillada Mareykanka. Sidoo kale buugga waxa uu tibaaxayaa dacaayadihii soo food saartay ee sida aan naxariista lahayn ee weeraro joogto ah eek aga imanayay qolyaha iyada neceb. Ilhaan waxa ay tilmaamaysaa in ay sii wadi doonto ka hadalka waxa ay aaminsan tahay si geesinimo, rajo iyo diidmo liidid si kasta oo ay duruufuhu ugu adag yihiin.
The Social Contract
W.Q. Jean Jacques Rousseau
Rousseau oo ah faylasuuf caan ah, qoraaga buugga, ayaa ku doodaya in dawladuhu ay aad ciriiri u geliyaan xuquuqda dabiiciga ee uu qofku la dhasho, iyada oo aan weliba dadaal ku bixin ilaalinta xuquuqda madaniga ah ee bulshadu ku tiirsan tahay. Buuggiisan waxa uu Rousseau ku lafo gurayaa labo su’aalood oo wada xiriira oo ah: side ayay dadku xor u ahaan karaan iyagoo u hoggaansan dawlad iyo maxaa ka dhigaya awoodda dawladda mid sharci ah? Rousseau waxa uu labadaasi arrimahooda uga jawaabayaa in muwaaddiniintu ay sameeyaan qaran iyagoo awoodahooga kala duwan midaynaya. Midwogaasi waxa u uku dhalanayaa cahdi bulshada dhex mara ‘social contract’ oo qeexaya in ay si wadar oggol ah isu maamulayaan, qof walbana uu ilaalinayo xuquuqda qofka kale. Sidaas darted, marka qaran la dhisayo waxa ay u baahan tahay in muwaaddiniintu ay qaar ka mid ah xuquudoodii ay ku lahaayeen xaaladda dabiiciga ah ‘state of nature’ oo ay ku baddalayaan nooc cusub oo xuquuq ah ‘xuquuqda madaniga’ oo u oggolaanaya in ay bulshada dhexdeeda ugu noolaadaan si xasilloon, maangal ah oo horseedi karta horumar.
Rousseau waxa u uku doodayaa in dawladdu ay keliya sharcyad leedahay marka dadweynuhu iyaga u madax bannaan yihiin hawlahooda oo ay talada hayaan. Shaqada shacabku waa in iyaga ama dadka matala ay dejiyaan sharciyada dalka kaddibna fulinta u igmadaan koox hay’ado ah oo khibrad u leh ka shaqaysiinta sharciyada ‘xukuumad/laanta fulinta’. Rousseau waxa uu sharxayaa noocyada kala duwan ee dawladaha iyo sida ay muhiimka u tahay in shucuubtu ay mar walba kormeer joogta ah ku hayaan dawladaha. Waxa uu ugu danbeyntii tilmaamayaa sida dadweynuhu u qeexi karo danihiisa marka ay qeybta ka yihiin siyaasadda iyo sida dawladaha wax ku oolka ah ay waajib ugu tahay in ay abuuraan mabaadi’ qaran oo damaanad qaadaya jiritaanka codka shacabka, xoojinayana hay’adaha fulinta si ay u noqdaan kuwo mar walba ka jawaaba baahiyaha dadkooda.