Faylasuufkii reer Andulus ee Ibnu Rushdi ayaa waxaa laga hayaa oraahdan “Haddii aad aragto wadaadka masaajidka jeedinaya khudbo u jeedinaya dadka saboolka ah isagoo kala hadlaya in ay adduunkan iyo noloshuba ka saahidaan, oo aysan isku hawlin hanti kasbasho, isaga oo aan ka hadlin kuwa dadkaas dhaqaalihii loogu talagalay musuqay, waxaad ogaataa in uu yahay [wadaadkaas] tuug shaar wadaad xiran”. Ibnu Rushdi, waxa uu intaas ku darayaa in bulshooyinka dib u dhacay, waxaa ku dhex baahsan ka ganacsiga dareenka dadka wax-ma-garatada ah iyada oo la adeegsanayo diinta. Haddii aad doonaysid in aad jihayso oo aad xakamayso [juhalada], waxaad u baahan tahay in aad wax walba huwisid shaar diineed.
Waa tuu Karl Marx lahaa “saboolnimadu ma keento kacdoon, ee waxaa dareenkaas kiciya wacyiga qofka saboolka ah”. Madaxda hantida dadka ku tagri falaysa waxaa u dan ah dhaqaalaha jeebkooda ku dhacaya, halka wadaaddada ay wataannna ay shaqadooda tahay in ay dadka ku qanciyaan arrimo kale oo wacyigooda ka qariyaan duruufaha dhaqaale ee bulshada. Dhanka kale, Gustav Le Bon, oo ahaa Saaykolojiiste Faransiis ah oo aad u daraaseeyay hab-fekerka bulshooyinka, ayaa waxa uu ku dooday in dadyowga mutadayiniinta ah aysan badanaa lahayn ta’niid damiir marka ay galaan gef sharci ama akhlaaqi ah maadaama ay ku barbaaraan aragtida ah in cibaadooyinka ay sameeyaan ay ka mayraan denbiyada ay galaan. Arrintan ayaa saldhig u noqoto u noqota dhaqan-xumo badan oo lagu qariyo duquus diimeed.
Dr. Baasim al Jumal ayaa isagoo ka hadlaya sida duquusta diiniga ah ay ugu weyn tahay bulshooyinka Muslinka dhexdooda, halka akhlaaqdana ay ku liidato, sababtuna ay tahay in markii bulshooyinkii Muslinka ahaa ay qabsadeen madax keligood talis ah oo aan agtooda arrimaha bulshadaba looga hadli karin. Waxaa khatar noqotay in wadaadku uu ka hadlo arrimaha qaar oo laga yaabo in ay taabtaan suldaanka meesha ka taliya, oo qaarkood madaxa ka gooya ciddii dhaleeceysa. Wadaadku, si uu isaga ilaaliyo carada suldaanka, waxa uu xayndaabka wacdigiisa ku soo qabay arrimo yar yar oo duquusta diiniga ah la xiriira sida cadayga soonka ma jebiyaa, sakada fitrada ma masaggaa lagu bixinayaa mise lacag iwm. Waxaa dhacday in maadaaba dhinacyadii akhlaaqiga ahaa ee diinta aan laga hadli karin, in wadaaddadu la yimaadaan tusaalooyin mala-awaal ah oo ay ay qaaciddooyin fiqi ah u dejiyaan.
Waxaa xusid mudan in aayadaha Quraanka ah ee ka hadlaya salaadda, sakada, soonka, xajka, iwm kama badna 200 aayadood, iyada oo Quraanku yahay 6,236 aayadood. Waxaa aragtida wadaaddadii duruufahaas kaddib samaystay nuxurka diintoodu ku soo koobantay duquustaas 200-ka aayadood keliya ku xusan, halka iska illaaween 6,000 ee aayadood ee kale farriimihii ku xusnaa. Fahanka noocan ah ee diinta, wadaadka fekerkaas majaraha u haya ayaa dhaliyay in bulshooyinka ugu tadayunka badan ay noqdaan kuwa ugu dhaqanka xun. Marka la fiiriyo halbeegyada hufnaanta ee dalalka, waxaad arkaysaa dalalkii Islaamka oo musuqa iyo wax is daba marinta kaalmaha hore kaga jira, halka ay wadaaddadoodu ku mashquulsan yihiin waxyaabo yar yar oo diinta ka mid ah.
Sannadkii 1929-kii, Betrand Russel ayaa waxa uu qoray maqaal cinwaakiisu ahaa “Has Religion Made Useful Contributions to Civilization?”. Waxaa Russel ku dooday in diintu noqotay ilaha sii kordhisa darxumada haysata aadanaha. Waxa uu ku dheeraaday siyaabaha kala duwan ee diintu u dhaawacday bulshada iyo shakhsigaba. In kastoo uu qirsan yahay in diintu tahay shaacsane ka jiray dhammaan bulshooyinkii kala duwanaa ee dunida soo maray, qayb ahaanna kaalin ku lahayd in aadanuhu ikhtiraaco waxyaabo qaar, haddana diimaha waxaa aad u saameeyay cidda magaceeda ku hadasha (wadaadka) in ka badan inta ay hagto farriinta asalka ah ee diintu sidday.
Russel aragtidiisa marka la eego diinta waxaa qeexa shakhsiyaadka iyo ururrada magaceeda ku shaqaysta. Tusaale, diinta Masiixiga waxa ay aad uga fog tahay farriimihii Ciise Masiix. Diintu waxa ay xoojisaa laba ka mid ah dareemaha ugu halista badan ee aadanaha: cabsida iyo nacaybka. Dadku waxa ay diinta ugu cararaan iyaga oo ka baqaya khataraha dunida sida geerida iyaga oo miciinbida diinta. Marka ay noqoto ka soocidda ‘saxa’ iyo ‘khaladka’, ‘xumaanta’ iyo ‘samaanta’, diintu waxa ay noqotaa mid abuurta nacayb ballaaran. Habkan ay wadaaddadu u abuureen fahanka diinta ayay kooxaha (xaynta) marmarsiinyo uga dhigtaan xadgudubka iyo ciqaabta ay kala dul dhacaan cid walba oo ay dhaqankeeda u bogi waayaan. Waxaa sharciyad leh isticmaalka awoodda mutuxan iyo qalalaasaha, iyada oo cunfiga noqdo mid xurmo diimeed leh oo la weyneeyo.
Waxaa halkan ka dhasha nafsiyadda xadgudubka u bareerta oo naxariis darrada huwisa shaar dhaqancelin iyo toosin. Waxaa dhasha in ay yaraato isku dulqaadashada iyo nabad ku wada noolaanshaha iyada oo fekerka iyo hab-nololeedkaba kala duwan yahay. Hase ahaatee, diintu waxa ay keentaa in qof walba uu isaga noqdo kan keliya ee isla saxan, iskuna daya in uu xoog ku maquuniyo inta ka fekerka duwan xitaa haddii ay hal diin wada sheeganayaan. Sidaas darteed, waxaa dhacaysa in fekerka (fatwada) wadaad gaar ah sida Qardaawi, Qazaali ama kuwo kale ay noqoto fekerka keliya ee saxan ee diinta matalaya, iyada oo laga il duufayo in ay yihiin afkaar shakhsiyadeed oo qof banii’aadan ah fahanka uu diinta ka qabo la xiriirta, oo laga yaabo in uu xadeeyo aqoonta qofkaas, duruurfta bulsho iyo xilliyada uu noolaa nolosha jirtay.
Waxaa sidoo kale soo baxay koox wadaaddo ah oo arrimaha ay minbarka la taagan yihiin ay yihiin kuwo rakhiis ah oo aan arrimaha xasaasiga ah ee bulshada haysta waxba ka gelin. Mararka qaar waxaa laga yaabaa in ay ka baqanayaan u bareeridda arrimaha culus ee bulshada iyaga oo lexjeclo ka haysto shaqooyinka ay hayaan iyo xiriirka bulsho ee noloshoodu ku tiirsan tahay dhaqaale ahaan. Waxaan maalin dhawayd arkay wadaad sheegaya in ay soo baxeen gabdho hilib cuna, ayna tahay arrintani mid ugub ah. Wuxuu leeyahay dumarka waxaan ku ogaa in ay cunaan doolsho, xalwo iyo faanto ee waa maxay dhaqan xumadan cusub ee haweenku ay wixii ragga cuni l ahaayeen u soo hawoodeen. Waaba sidii in haweenku aysan banii’aadan ahayn oo dooq cunto aysan lahayn, amaba ay jiraan cunnooyin ragga keliya u gaar ah oo haweenkana ka reebban. Sheekada wadaadkaas ma aha arrin uu ku sheegayo feker shakhsi, oo waaba wacdi uu minbarka masaajid la taagan yahay.
Waxaa la yiri “haddii ay kugu jirto aragti dubbe ah, shay kasta oo kaa soo hor baxa waxaad moodaysaa musmaar.” Wax walba waxa aad isku dayaysaa in aad ku maquunisid xoog, macangagnimo iyo mayaladayg. Haddii nooca wadaadka ee nagu soo aadaya uu yahay kaas, waxaan nahay bulsho diintu ay hormuud ugu noqdeen koox fahankooda diinta uu yahay dul-ka-xaadis, oo aan feker san lahayn. Tusaalahaas iyo kuwa badan oo la mid ah ayaa tuban xayndaabka wacdiga wadaadka Soomaaliyeed oo ah mid ka dhacsan xaaladaha dalka, iyadoo farriimiisa ay yihiin kuwo aan la haysan wacyiga bulshada, waaqaca ummada iyo waxyaabaha noloshooda ka taagan. Inta xaalku sidaas yahay ha ii geyn wadaaddada!