Go’aannada 2021-ka iyo Waxyaabaha Tixgelinta Mudan

Ka dib markii u una soo maray sanad aad u adag oo aan la saadaalin karin, fikradda ah in la sameeyo go’aannada sannadka cusub ee 2021 waxa ay umuuqan kartaa arrin aad u culus.
Total
0
Shares

Ka dib markii u una soo maray sanad aad u adag oo aan la saadaalin karin, fikradda ah in la sameeyo go’aannada sannadka cusub ee 2021 waxa ay umuuqan kartaa arrin aad u culus.

Xitaa haddii aad tahay dadka aan ka helin ama dib u dhigta  go’aannada sannadka cusub, khubaradu waxa ay leeyihiin in 2021 – ama sannad kaleba- qorista mid ama laba yool oo kuu gaaar ah, xaddidan oo aad xaqiijin karto waxa ay gacan ka geysan kartaa kor u qaadidda kalsoonidaada iyo qabkaaga, gaarista himilooyinkaaga iyo ladnaantaada.

Waqti xaadirkanna wax walba oo yar oo ku dhiirri gelin kara, hankaagana qor u qaadi kara.

Waa tan sida aad u billaabi kartid.

Ka fikir waxyaabaha kugu dhiirigeliya

Maadaama la joogo billowga bisha Jannaayo iyo sanad cusub waxa ay u badan tahay in aad dareemayso xamaasad iyo dhiirri gelin ku aaddan in aad is baddalo ku samayso dabeecadahaaga sanadkan cusub.

“Ma sii wadi doontid isbeddelka aad doonayso in aad ku samayso dabeecadda illaa aad leedahay waxyaabo gaar ah kuu dhiirigelinaya oo naftaada gudaheeda ka soo butaacaya,” ayay leedahay Sara L. Dolan, oo ah borofeysar ku takhasusay cilmu-nafsiga oo ka hawl gashaJaamacadda Baylor ee Waco, Texas.

Marka aad samaynayso go’aannada sannadka cusub, tixgeli sabaha dhabta ah ee kugu riixaya isbeddelada aad jeceshahay inaad samayso. Maxaa kugu kalifaya inaad dareento in ay kaa go’an tahay inaad gaarto yoolkaaga?

Tusaale ahaan, haddii aad doonayso in aad miisaankaaga hoos u dhigto, sababtu maxa waxay noqonaysaa in aad raacayso cadaadiska bulshada ee la xiriira culeyska jirka? Mise dhakhtar ayaa kugu qasbay? Qodobbadaasi waa waxyaabo ku dhiirri gelinaya oo adiga naftaada ka baxsan. Dhanka kale, haddii Kuwani waa dhiirrigeliyeyaal dibadeed, kuwaas oo aan u badnayn inay kaa caawiyaan inaad gaarto yoolkaaga. Dhinaca kale, haddii aad dareensan tahay dhimista miisaankaaga in ay ka dhigan tahay cunista cuntooyinka caafimaadka u wanaagsan iyo samaynta jimicsi joogto ah oo ka dhigan in aad horumarinayso caafimaadka jirkaaga iyo maskaxdaada, waxa ay noqonaysaa in ay jiraan waxyaabo naftaada ay ku taabayso in xaqiijiso. Tani waxa ay kuu kuu oggolaaneysa inaad yeelatid caadooyin cusub oo sii jira muddo dheer.

Yoolalkaaga cad (yar) aad liqi karto ka soo gooso

Si ay u noqdaan go’aannadaada sanadka cusub kuwo shaqeeya oo la xaqiijin karo, ka fogow hiyi kacsan oo samada heehaabaya oo diirada saar himilooyin la gaari karo, oo si fudud lagu qiyaasi karo.

Haddii aad dejiso ahdaaf ballaaran, ee aan xaddidneyn, lana gaari karin, waxa ay u badan tahay in aadan xaqiijin doonin kaddibna ay kuu horseedi doonto niyad jab halkii aad ka damacsanayd in qorshayaashaadu ay ku dhiirigeliyaan.

Samee qorshe, qaraarada baddalkeed!

In aad hadaf leedahay waa wax fiican, laakiin waxaa sidoo kale muhiim ah in ay kuu caddahay sida aad ku gaari doonto hadafkaas. Tusaale ahaan, haddii aad rabto inaad lacag badan sameyso, maxay yihiin tillaabooyinka aad u baahan tahay in aad qaado si aad taas u sameyso? Imisa dakhli dheeraad ah ayaad u baahan tahay si aad u gaarto hadafkaaga? Haddii aad shaqeysid, suurtagal ma tahay in aad sii shaqayso saacado dheeraad ah mise waxaad hiigsaneysaa dalacsiin? Ma u baahan tahay inaad ku laabato waxbarashada si aad u barato xirfado kala duwan kuwaas oo albaabo cusub kuu furaya?

Markasta oo aad gorfayso yoolkaaga, waa ay kuu fududaanaysaa in aad u kala jabiso tallaabooyin waxqabad oo aan mugdi ku jirin. Waxa ayna u badan tahay inaad raacdo hadafkaaga haddii talaabooyinkaasi ay faahfaahsan yihiin.

Marka aad la timaado qorshe cad, waxa aad saadaalisaa caqabadaha kaa soo hor bixi kara. Si aad u xaqiijiso is baddal nololeed oo joogto ah waxa aad yeelanaysaa qorsheyaal soo kabasho (recovery plan) oo aad kaga gudbi karto caqabadaha soo food saara qorheyaashaada. Dhanka kale, go’aannada sanadka cusub maadaama aysan lahayn qorshe soo kabasho waxa ay keenayaan niyad jab haddii billowga hore ay mira dhali waayaan.

Soo gaabi liiska qorshahaaga hana noqdo mid qoran

Haddii aad leedahay dhowr nooc oo ah ahdaaf ah, dooro kuwa ugu habboon, khubaradu waxay yiraahdeen. (Waxaa laga yaabaa inaad doorato labo hadaad dareento hami.)

“Lahaanshaha hal hadaf iyo qorshe lagu gaarayo ayaa ka muhiimsan in aad yeelato ahdaaf badan oo aan caddayn. Marka xigta, wax walba qor. Tani waxa ay kaa caawinaysaa in aad ka fikirto himilooyinkaaga laakiin sidoo kale waxa ay kaa caawin doontaa in aad ka dhigto kuwo la xusuusto”, ayay leedahay Katy Milkman, oo borofeysarad ka ah Wharton School of the University of Pennsylvania kuna takhasustay Sayniska Dabeecadaha, iyo qoraaga buugga Sida La isu Beddelo.

Markaad qoraysid yoolkaaga, waxaa muhiim ah in aad ka feejigan tahay qaabka aay u dhigayso taas oo wax weyn ka baddali karta qorshaha iyo xaqiijintiisa. Daraasad Iswiidhan laga sameeyay ah oo la daabacay bishii hore ayaa waxaa lagu ogaaday in ay waxtar badantahay in aad qorshahaaga u qaabayso waxa aad doonayso in aad samayso halkii aad diiradda ka saari lahayd wixii aadan sameyn. Tusaale ahaan, waxa aad dhahdaa “Seexo nus saac ka hor xilligii aad jiifan jirtay” halkii aad ka odhan lahayd “jooji dhafarka iyo seexashada waqtiga danbe.”

Naftaada u samee waxoogaa dabacsanaan ah

Sanadkii tagay ee 2020 waxa uu ahaa sanad qallafsan. Marka aad ka fekereyso waxyaabaha aan kuu suuroobin, naftaada ha saarin cadaadis badan oo walwal iyo niyad jab ku abuuri kara. Beegso mustaqbalka iyo waxa aad qaban karto sanadkan cusub.

“Marka ha quusan hadaadan fulin go’aamadaada sanadka cusub. Ku dhiirigeli naftaada xusuusin dabacsan oo joogto ah adigoo adeegsanaya xusuusiyaha taleefankaaga kaas oo ku xusuusin kara saacaddii jimicsiga ama xilliga ugu diyaar garowga hurdada. Haddii kharashaadku ciriiri ku yihiin dooro yoolalka aan qaali ahayn oo xaqiijin kara nuxurka ahdaafkaada” ayuu ku talinayaa Dr. Joel L. Young, oo ah agaasimaha caafimaadka ee Xarunta Rochester ee Daweynta Dabeecadda ee ku taalla Rochester Hills, Michigan.

Xitaa haddii aadan qorshahaaga u fulinin sida ugu dhakhsiyaha badan ee aad rabto ama sida saxda ah ee aad u qorshaysay, weli waa muhiim in aad u dabbaaldegto in aad wax uun xaqiijisay kana shaqaynayso samaynta isbeddel wanaagsan.

Sannad sidan oo kale ah waxa aan u baahanahay inaan nafteena siino farxad, qanacsanaan iyo naxariis.

Tixraac:

Maqaalkan isagoo af Ingiriisi ah waxa uu ku baxay jariiddada New York Times cadadkeedii Diseembar 29, 2020. Cinwaanka: This Year, Try Downsizing Your Resolutions by Christina Caron. Nuqulkan waxaa isagoo af Soomaali ah oo waxna lagu daran lagana reebay. Halkan ka akhriso asalka www.t.ly/NYQH  

Total
0
Shares

Gorfeynta Buugga “Systemic Earthquake and the Struggle for World Order” – Ahmet Davutoglu

Buuggiisa 'Systemic Earthquake and the Struggle for World Order: Exclusive Populism Versus Inclusive Democracy' waxa uu ku lafa gurayaa sida uu u fashilay nimaadyada maamulk ee dawladdu udub-dhexaadka u tahay ee ka hirgalay dunida daafaheeda intii ka dambaysay heshiiskii Wesphalia (1648) ee ay sii xoojiyeen gumaysigii dawladaha reer galbeedka ee Afrika, Aasiya iyo qaaradihii cusbaa.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Total
0
Share