Gorfeynta Buugga “The Origins of Political Order” ee Francis Fukuyama

Gebagebadii, Fukuyama waxa uu soo amaahanayaa oraahda caanka ka ah cilmiga bulshada ee ah ‘In La Gaaro Denmark’ (Getting to Denmark) oo si kooban u sharxaysa nuxurka buuggiisa oo ah in bulshooyinku yeeshaan nidaam dawladeed oo abuura xasillooni, baraare, iyo bulsho firfircoon oo horumar waara gaarta.
Total
0
Shares

Francis Fukuyama, oo ah qoraaga buuggan Asalka Nidaamka Siyaasiga: Taariikhda Aadanaha Ka Hor ilaa Kacdoonkii Faransiiska (The Origins of Political Order: From Prehuman Times to the French Revolution) waxaa had iyo jeer aad loogu xusuustaa buuggiisa guuxa weyn dhaliyay ee Dhamaadka Taariikhda oo Fukuyama siisay sumcadda, magaca dheer iyo qoraaga rajada wacan ee aamminsan in taariikhdu ay ku dhammaanayso guusha dimuqraadiyadda. In kasta oo sidaa la moodo, Xaqiiqdu waxa ay tahay in Fukuyama uu yahay mufeker aan saaddiisu sidaa khayr sheeg u ahayn. Waxa uu mar walba isha ku hayaa waxyaabaha halista ku ah nidaamka dimuqraadiyadda. qof aad u fikir badan oo ka fiican sidaad qiyaasi karto, had iyo goorna u fiirso waxa khaldami kara.

Buuggan hore ee Fukuyama waxaa hareeyay sida Fukuyama uu ugu saamoobay aragtiyaha barihiisii iyo khabiirka cilmiga siyaasadda ee muxaafidka  ee jaamacadda Harvard Samuel Huntignton oo isna lagu xusuusto buuggii magaca dheeraa ee Loollanka Xadaaradaha (The Clash of Civilizations). Sida Fukuyama oo kale Huntington waxa uu aad u danaynayay nidaamka siyaasiga, iyo sida kala sarraynta u samaysanto iyo sida uu u xumaado. Waxa uu Huntington aamminsanaa in laba shey ay ka khaldami karaan samaysanka bulsho si wanaagsan u nidaamsan. Midda koowaad, bulshadu waxa ay ku guuldarraysan kartaa in ay ka gudubto xaaladaha dhiillooyin, colaado isku dhafan iyo dagaallo sokeeyo oo ka carqaladeeya in ay yeelato ama gaarto nidaam bulsho oo hagaagsan. Midda labaad, bulshadu waxa ay yeelanaysaa nidaam hase ahaatee waxa ay ku guuldarraysanaysaa in nidaamkeeda uu la jaan qaado is badallada nolosha aadanaha, caqabaha iyo halisaha cusub ee soo wajaha. Tani waxa ay keenaysaa in nidaamka bulshadu uu qaado jid qardo jeex ah oo ka leexsan waxa bulshadaa horumarkeeda iyo hiigsigeeda u roon. Fukuyama waxa uu buuggan ku adeegsanayaa uu halbeegga ka dhiganayaa aragtidaas si uu u falanqeeyo nidaamka dimuqraadiga iyo caqabadihiisa.

Buuggan waxa uu fukuyama ku raadinayaa jawaabta labo su’aal oo kala ah: Maxay bulshooyinka qaarkood ku gaareen nidaam dimuqraaddi ah oo nabad iyo baraare gaarsiiyay halka ay kuwo kale weli ku xanniban yihiin nidaamyo keli-talis ah (autocracy)? Dimuqraadiyaddu ma awoodi doontaa in ay la jaan qaaddo halisaha iyo caqabaha cusub ee aadanaha soo wajahaya? Si uu su’aashan jawaabteeda u raadiyo, Fukuyama, waxa uu noo celinayaa asalka bulshada aadanaha. Waxa uu ku billaabayaa sheekooyinka banii’aadankii hore. Dadku weligii waxa uu u abaabulnaa kooxo aad isugu dhow oo weligeed ma jirin shakhsiyaad leh ruux xor ah oo qof waliba keligii gaaf meeraya kaymihii ama lama degaannadii ugu horeeyay dunida, sidaas oo uu aamminsanaa faylasuufkii reer Geneve ee lagu magaacay Jean-Jacques Rousseau. Dhibta keliya ayaa waxa ay ahayd bulshooyinkii hore waxa ay ahaayeen kuwo ka kooban koox aad u yar oo si adag isu haysta oo ay isku hayaan xiriiro dhalasho iyo dhiig wadaag ah. Dadku waxa uu xiriirkani ku dhisay qoysas iyo baandooyin leh astaamo ka duwan qaababka ay xayawaanada duur joogta ahi u abaabulan yihiin sida daanyeerka chimpanzee-ga oo kooxo-dagaal oo ugaarsiga isu bahaysta u abaabulan. Qoyasas walba o oleh hal awoowe ooh ore waxa ay dabadeed noqdeen reero (tribes) leh dano ka dhexeeya oo ay wada ilaashadaan oo badanaa nin qura u taliyo. Talada qof walba waxa ay ka go’aysaa kuwa ay ilmo adeerrada yihiin. Tani waxa ay keentay waxa uu Fukuyama ugu yeeray amar-ku-taaglaynta ilmo-adeerrada “the tyranny of cousins”. Dadku waxa ay ku qasbanaayeen in ay reerkooda dartii u sameeyaan reerkooda, wal walbana ay ku sameeyaan kuwa aysan isku reerka ahayn ha noqoto dil, dhac iyo kufsi. Tani waxa ay keentay nolol mar walba leh dhiillooyin iyo dagaallo joogto ah oo dhiig badani ku daato.

Habka keliya ee nidaamka reeraha (qabaliga) uu dadka uga gudbi karo waxa ay noqotay in maamul dhexe oo reero badan is-bahaysi ku yihiin oo leh madax siyaasadeed iyo ciidan dhexe taas oo buuxinaysa booskii reerka jebinaysana xiriirka qofka ee reerku la lahaa iyadoo qofka u ballan qaadaysa xasillooni iyo damaanad ilaalo haddii uu u hoggaansamo maamulka jira. Nidaamka noocan ah ee dawladaha ayaa waxa uu Fukuyama ku tiriyaa in uu yahay mid ka mid ah saddex tiir oo lama huraan ah dhismaha nidaam siyaasadeed oo bulsho yeelato. Sababta dawladaha xoogga leh aysan keligood ugu filnayn in ay xalliyaan dhibaatada reeraysiga ayaa waxa ay tahay in awoodda siyaasadeed aysan si qumman u xallin dhibta reeraha oo ay keliya booskiisa u baddasho iyadoo ka soo raraysa heerka hoose ee reeraysiga una soo gudbisa qeybaha sare ee silsiladda siyaasadda.  Waxaa dhacaysa in ay soo baxaan madax awooddooda u adeegsada in ay uga faa’iideeyaan xigtadooda, xaalad si fudud looga arki karo dawlado badan oo nooga soo gudbay bulshooyinkii hore welina aysan bulshooyin badan oo dunidan casriga ah joogta ka korin.

Sidaa daraaddeed, dawladda, tiirka koowaad ee nidaamka siyaasiga ah ee bulshada, waa in lagu kaaabaa sarraynta sharciga taas oo xaddisaysa awoodda siyaasadeed ee kooxaha talada haya iyo fursadaha ay u heli karaan in ay ku kacaan musuqmaasuq iyo nin jacylaysi. Si kastaba ha noqotee, sarraynta sharciga laftiisu waxa ay carqaladeyn karaa nidaamka siyaasiga ah isagoo wiiqaya awooda dawladda ee ay ku qaadan karto go’aamo adag marka ay u baahato haddii uu ururada rayidka ah siinayo awood ay mar kasta ku fara gelin karaan hawlaha dawladda. Sidaa daraaddeed, waxaa imaanaysa baahi loo qabo tiir saddexaad oo ah: xukuumad la-la xisaabtami karo (oo aan xilligan u naqaano dimuqraaddiyad). Saddexdaa tiir (dawlad, sharci iyo xukuumad) waxa ay ilaalinayaan jiritaanka iyo habsami u shaqaynta dowlad awood u leh hawsheeda se dadku ay awoodaan in ay beddelaan hoggaamiyeyaashooda markii ay billaabaan dhaqan xumo.

Fukuyama waxa uu rumaysan yahay in badanaa dadku u maleeyaan in saddexdan tiir ay yihiin kuwo kala madax bannaan oo mid kasta oo ka mid ahi uu goonigiis u shaqayn karo. Tusaale, marka aan dimuqraadiyadda u ololaynayno oo aanan ka fekerin kaalinta sharciyada, waxa aan illownay in dimuqraadiyaddu ay keenayso kala qeybsanaan bulsho oo baahsan haddii sarraynta sharciga uusan meesha ku jirin. Sidaasi si la mid ah, marka aan u ololaynayno  xukunka sharciyada oo aanan ka fekerin in dawladdu xoog yeelato waxa ay arrintani dhalinaysaa xasillooni darro siyaasadeed. Bulshooyinka oo dhan waxa ay ku dhacaan khaladaadkaas aan soo xusnay iyagoo qaar ka mid ah tiirarka nidaamka siyaasiga xoogga saara kuwa kalena iska illaawa.

Nidaamka siyaasadeed ee hagaagsan keliya waxa uu samaysmaa marka tiirarka oo dhan ay si wada jir ah u taagan yihiin oo ay is dheelli tirayaan. Tusaale, Shiinaha, si uu xal ugu helo dagaallada joogtada ahaa ee xilliyadii qadiimiga ahaa dhulalkiisa ka jiray, waxa uu ku guulaystay in uu abuuro dawlad dhexe oo xooggan ka hor inta uusan reer Galbeedku gaarin heerkaas. Hase ahaatee dawladdii uu Shiinuhu dhisay waxa ay ahayd mid leh awood xad dhaaf ah. Waxa ay si wada jir ah u burburisay hoggaamiye kooxeedyadii dagaallada sokeeye dhaliyay, bulshadii rayidka ahaa iyo aragti kasta oo dhalin kartay la xisaabtanka dawladda. In kasta oo Shiinaha uu fursad hore oo nidaam siyaasadeed ah helay, waxaa fursaddiisii carqaladeeyay awooddii xad dhaafka ahayd ee sida dhaqsiyaha badan gacanta dawladda ugu soo ururtay.  Fukuyama waxa uu aamminsan yahay nidaamka gacanta birta ah Shiinaha ku maamula in ay dhaliyeen xaaladahaas uu billowgii hore ku abuurmay.

Tusaale kale waxaa loo soo qaadan karaa dalka Hungary oo billowgii hore ee qarnigii 13-aad yeeshay nidaam siyaasadeed oo hagaagsan oo dib ka dumay. Xulkii bulshada Hungary waxaa xilligaas u suura gashay in ay xaddidaan awooddii boqortooyada xilligaa dadlka maamulaysay. Sababta ay Hungary ugu sii gudbi waysay nidaamka siyaasiga ee sida Ingiriiska iyo Maraykanka oo kale ee damaanad qaadaya xorriyadda shakhsiyaadka ayaa waxa ay tahay in dadkii xulka ahaa ay yeesheen awood badan oo ay ku sameeyaan wixii ay doonaan iyagoo ugu faa’iidaystay in ay qoysaskooda ku hodmiyaan dadka kalena ku tagri falaan. Sidoo kale, dadkii xulka ahaa ee Hungary waxa ay dawladdii ka dhigeen mid tabar daran iyagoo awoodihii dhan kala wareegay taas oo dhalisay xasillooni darro siyaasadeed.

Fukuyama waxa uu u muuqdaa in uu aad u xiiseeyo sababaha ay bulshooyinku u fashilmaan in ka badan inta uu xiiseeyo sababaha ay ku guulaysan karaan maadaama inta badan uu waqti geliyay falanqeynta caqabadaha oo uusan aad ugu dheeraan sida caqabadahaas looga gudbi karo. Inta ugu badan waxa uu tibaaxayaa dhabbaha ay mareen dawladaha yeeshay nidaam siyaasadeed oo bulshooyinkooda siiyay xorriyad, nabad iyo baraare. Inta ugu badan jawaabihiisu waxa ay u muuqdaan kuwo la xiriira hadba fursadaha soo maray bulshooyinkaasi iyo sida ay uga faa’iidaysteen. Nidaamka siyaasiga ah ee guulaha u soo hoyay reer Galbeedka waxaa aasaas u ahaa xaalado dhow ah: aragtiyo dawladeed, isbaddal sharciyo, hoggaan karti leh, iyo dagaallo sokeeye oo qarnigii 17-aad dadka xusuusiyay dhibta ay leedahay dawlad la’aan iyo xasillooni darro.

Fukuyama waxa uu mar walba na xusuusinayaa in nidaam siyaasi oo hagaaagsan la gaaro ay tahay arrin aad u adag oo dadaal iyo loollan joogto ah u baahan ayna jiraan habab kala duwan oo bulsho walba ku gaari karto halkaas. Bulsho kasta guusha ay ka gaarto dhismaha nidaam siyaasadeed oo wax ku ool ah waxaa saamayn ku leh fursadaheeda iyo tallaabooyinka ay iyada qaaddo.

In kasta oo uu Fukuyama ku dheeraaday jawaabta su’aashii koowaad ee ahayd: Maxay bulshooyinka qaarkood ku gaareen nidaam dimuqraaddi ah oo nabad iyo baraare gaarsiiyay halka ay kuwo kale weli ku xanniban yihiin nidaamyo keli-talis ah (autocracy)? Waxa uu ku gaabsaday su’aashii labaad ee la xiriirtay waxyaabaha carqaladayn kara horumarka nidaamyada dimuqraaddiga ah. Sida uu nidaamka siyaasiga ah u dhalin karo xasillooni ayaa waxa uu horseedi karaa is cajabin, cabburin iyo sad bursi. Fukuyama waxa uu qirsan yahay in xitaa dhibaatooyinkaasi ay la kulmi karaan bulshooyinka nidaamkooda siyaasadeed saddexdii tiir ee aan soo sheegnay ku dul dhisa. Hase ahaatee waxaa jirta rajo wanaagsan oo ah: isla xisaabtan siyaasadeed kaas oo ka dhigan in dadku baddali karaan xukuumadaha, xeerarka iyo nidaamka dawladda markii ay ka weecato dhabbihii bulshadu u jeexday.

Si kasta ha noqotee, waxa ay u muuqataa in is baddalada siyaasadeed aysan badanaa xallin dhibaatooyinka siyaasadeed ee jira. Sababtoo ah is baddalka siyaasadeed badanaa waxa uu noqdaa is baddal ku yimaada cidda kuraasta ku fadhida oo aan abuurin xal waara oo la xiriira dhibaatooyinka aasaasiga ah ee dadka. Buuggan “The Origins of Political Order” waxa uu ka dhigan yahay buugga koowaad ee taxanaha laba buug oo uu Fukuyama ku falanqeeyay nidaamka siyaasiga ah iyo sida uu u daxalaysto taas oo uu inta badan xoogga ku saarayo buugga labaad. Doodda buuggan ayaa inta badan waxa ay xoogga saaraysay taxanaha nidaamka siyaasiga ah ee billowga taariikhda aadanaha ilaa Kacdoonkii Faransiiska.

Gebagebadii, Fukuyama waxa uu soo amaahanayaa oraahda caanka ka ah cilmiga bulshada ee ah ‘In La Gaaro Denmark’ (Getting to Denmark) oo si kooban u sharxaysa nuxurka buuggiisa oo ah in bulshooyinku yeeshaan nidaam dawladeed oo abuura xasillooni, baraare, iyo bulsho firfircoon oo horumar waara gaarta. Hase ahaatee taariikhda uu buugga ku soo bandhigay in kasta oo uu ku sheegay waxyaabaha carqaladayn kara gaaridda heerkaasi ma uusan ku caddayn sida ugu fudud ee lagu gaari karo. Waana arrin la fahmi karo oo jawaabteedu sadarro kooban lagu soo koobi karin.

Fukuyama waxa uu ku doodayaa in horumarka siyaasadeed uu ku yimaado si tartiib tartiib ah, isagoo ka dhalanaya natiijada ka soo baxda tartan iyo loollan joogto ah oo, haddii uu guulaysto, ku dhammaada dawlad dhexe oo wax qabad leh, sharciguna sarreeyo oo hoggaankeeda ay la xisaabtamaan bulshada. Buuggu waxa uu soo tebinayaa sida dagaallada iyo loollanka dhaqaalaha, xeer dhaqamadeedyada iyo aragtiyaha diimeedba ay kaalmo ugu lahaayeen, ilaa maantana ugu leeyihiin, samaysanka dawladaha iyo nidaamka siyaasadeed ee bulshooyinka.

Total
0
Shares

Ha ii geyn wadaaddada!

Faylasuufkii reer Andulus ee Ibnu Rushdi ayaa waxaa laga hayaa oraahdan “Haddii aad aragto wadaadka masaajidka jeedinaya khudbo…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

Total
0
Share