Gorfeynta Buugga “Systemic Earthquake and the Struggle for World Order” – Ahmet Davutoglu

Buuggiisa ‘Systemic Earthquake and the Struggle for World Order: Exclusive Populism Versus Inclusive Democracy’ waxa uu ku lafa gurayaa sida uu u fashilay nimaadyada maamulk ee dawladdu udub-dhexaadka u tahay ee ka hirgalay dunida daafaheeda intii ka dambaysay heshiiskii Wesphalia (1648) ee ay sii xoojiyeen gumaysigii dawladaha reer galbeedka ee Afrika, Aasiya iyo qaaradihii cusbaa.
Total
0
Shares

Ahmet Davutoglu waxa uu ka mid yahay shakhsiyaad tiro yar oo naadir ah oo isku darsay madaxnimo siyaasadee oo heersare ah iyo aqoon-yahannimo xoog leh. Waxaa lala barbardhigaa saamaynta uu siyaasadda dibadda ku yeeshay shakhsiyaadka caanka ah sida Henry Kissinger iyo Zbigniew Brzezinski.

Davutoglu waxa uu hormuud u ahaa mashruucii ballaarnaa ee naqshadaynta siyaasadda dibadda ee Jamhuuriyadda Turkiga cusub ee Cusmaaniyiinta kaddib. Khibraddiisa siyaasadeed waxaa u sii dheer aqoonta baahsan ee uu u leeyahay qeybaha kala duwan ee culuumta bulshada sida taariikhda, faslafadda, daraasaadka dhaqammada, ilbaxnimada iyo siyaasadda caalamka.

Intii uu ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga (2009-2014), waxa uu la yimid hal-abuur aad u weyn iyo shaqo xooggan oo uu ku wajahay xasaradaha ka jira gobolka Bariga Dhexe iyo caqabadaha ku xeeran dalkiisa. Waxa uu kaalin weyn ka qaatay in dalka Turkiga uu kursi ka helo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay. Arrintani ayaa waxaa u suura gelisay isagoo kor u qaaday sumcadda Turkiga uu ku leeyahay Beesha Caalamka.

Sidoo kale, Davutoglu waxa uu hormuud u ahaa hindiseyaal diblomaasiyadeed oo loogu gurmanayo dawladaha dhibaatooyinku hareeyeen sida Falastiin, Soomaaliya iyo Mayanmaar. Waxa uu ballaariyay siyaasadda gargaarka bani’aadannimo ee dawladda Turkiga. Saamayntiisa siyaasadeed waxaa aqoonsaday Foreign Policy Magazine oo sheegtay in uu yahay 8-da mufeker ee xiriirka caalamiga ugu saamaynta badnaa dunida qarniga 21-aad.

Intaa marka laga soo tago, Davutoglu waxaa lagu xusuustaa aragtiyiisii ugubka ahaa ee istaraatijiyad qoto-dheer ‘strategic depth’ oo uu kaga talo bixiyay in siyaasadda dibadda ee dalka Turkiga ay saldhig u noqonayaan fahan taariikh iyo juqraafi, wacyi qiyam ilbaxnimo, masuuliyad akhlaaqi ah iyo dan qarameed. Davutoglu ayaa waxa uu aamminsanaa in siyaadadda dibadda ee Turkiga aysan keliya xukum danaha Turkida balse ay la xiriirto ilbaxnimada weyn ee uu dalkiisa matalayo, xiriirka taariikheed iyo juqraafi ee ka dhashay imparaadooriyaddii Cusmaaniyiinta iyo masuuliyad akhlaaqeed banii’aadannimo. Waxaa sidoo kale siyaasaddii kale ee ahayd nabad kula noolaanshada dawladaha deriska lah ah Turkiga ‘zero problems with neighbors’ oo ah in Turkigu uu dawladaha la deriska ah uu kula dhaqmayo hab-wada shaqeyn leh oo xoogga saaraysa xiriir nabadeed iyo faa’iidooyin la wadaagayo.

Isagoo dhaliilsan sida dawladah reer galbeedku u wajaheen xasaradihii ka aloosnaa Bariga Dhexe intii uu isaga ahaa wasiirka arrimaha dibadda oo ay u horayso sida ay u dayaceen kacdoonnadii bulsho ee Guga Carabta ‘Arab Sprin’ oo dadyowga dalalka carabta qaar badan oo ka mid ah ay ku doonayeen in is baddal lagu sameeyo nidaamyada siyaasadeed ee dalalkooda ka jira, ayaa waxa uu Davutoglu tilmaamay in reer galbeed uu si toos ah uga soo horjeestay qiyamtii dimuqraadiyadda ee ay sheegan jireen in ay hormuud u yihiin iyagoo la saftay nidaamyadii keli taliyeyaasha ahaa ee ay danuhu wadaageen.

Buuggiisa ‘Systemic Earthquake and the Struggle for World Order: Exclusive Populism Versus Inclusive Democracy’ waxa uu ku lafa gurayaa sida uu u fashilay nimaadyada maamulk ee dawladdu udub-dhexaadka u tahay ee ka hirgalay dunida daafaheeda intii ka dambaysay heshiiskii Wesphalia (1648) ee ay sii xoojiyeen gumaysigii dawladaha reer galbeedka ee Afrika, Aasiya iyo qaaradihii cusbaa.

Davutoglu waxa uu soo qaadanayaa dhacdooyinkii taariikhiga ahaa ee dunida gilgilay iyo sida ay u baddaleen nimaadka siyaasadeed ee caalamka isagoo dhacdo walba u ekeeysiinaya dhulgariir. Dhacdooyinkaasi waxaa u horreeya (1) dhul-gariirkii Jiyobolitiga ahaa ee ka dhashay burburkii nidaamkii Soofiyeetiga ahaa (1) dhulgariirkii amni ee ka dhashay dhacdadii 11-ka Sebteembar ee lagu weeraray daarihii mataaanahaa ee Xarunta Ganacsiga Dunida ee dalka Maraykanka (3) dhulgariir dhaqaale ee ka dhashay hoos u dhacii dhaqaale ee suuqyada caalamka ee 2008 (4) dhulgariir bulsho ee ka dhashay kacdoonnadii bulshada ee loo yiqiin Guga Carbeed ee billowday 2011 ee bulshooyinku ku doonayeen is baddalka qaab-dhismeedka dalalkooda. Isagoo ka duulaya nidaamka caalamiga ah sida ay u saameysay dhulgariiradaas ama dhacdooyinkaas isku xiran, ayaa Davutoglu waxa uu eegaaya mustaqbalka ee suurta gal ah iyo nidaam cusub oo dunidu yeelato. Kadib falanqeyntiisii dhibaatada aloosan, Davutoğlu wuxuu abuurayaa himilo nidaam dimuqraadiyadeed cusub oo caalami ah oo laga dhisi karo haraadiga nidaamka caalamiga ah ee sii liicaya.

Davutoglu waxa uu fashalka nidaamka caalamka u eersanayaa aragtiyaha mayalka adag oo dadka kala qeybiya (exlusive populism), madaxda beesha caalamka oo masuuliyad ka carar ah iyo siyaasado caalamka oo aan caqli san ku salaysnayn. Davutoglu waxa uu ku talinayaa in madaxda caalamku marka ay siyaasadaha qiimaynayaan in ay lahaadaan aragti waaqici ah ah se aan ka tagayn qiyamtii insaaniga iyo isku duubni ku salaysan banii’aadannimo iyo dhawrid xquuqda iyo xornimada qofka ‘inclusive democracy‘. Davutoglu waxa uu dhaliilayaa nidaamka siyaasadaha dawladaha ee ay danta keliya hoggaamiso ‘real politik’ isagoo ku talinaya in la isku keeno danaha iyo qiyamta banii’aadannimo, tani waxa uu isaga ugu yeeraa waaqici samo-faalis ah ‘optimistic realism‘.

Total
0
Shares

Fukuyama State Building: Governance and World Order in the Twenty-First Century

Fukuyama waxa uu hal-abuuray erey-bixinta dawlad-ahaansho “stateness” oo uu ula jeedo awoodda waxqabad ee nidaamka dawladda. Labadan dhinac oo dawlad-ahaanshaha ah ayuu tilmaamay: xoogga dawladda, oo ah in dawladdu ay shuruucda u dhaqangelin karto si hagaagsan oo daahfuran; iyo baaxadda dawladda, oo ka dhigan shaqooyinka tirada badan ee ay dawladdu isku dayayso in ay xaqiijiso.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You May Also Like

Total
0
Share